Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ujawaabay Mucaaradka

0
Sunday May 15, 2022 - 09:37:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ujawaabay Mucaaradka

    "Raga dhaaranaya ee sida awrta dhibi-lisanaya, waxaan leeyahay saaxiibayaal…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Raga dhaaranaya ee sida awrta dhibi-lisanaya, waxaan leeyahay saaxiibayaal…"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka hadlay hanjabaadaha xukuumada iyo mucaaradku isku marinayaan Warbaahinta ayaa sheegay in ayna siyaasiyiintu dalka fawdo gelin, ee kursiga loomaro hab nabdoon.



Siyaasiga ayaa sidadban ugu jawaabay Mucaaradka isagoo dhinaca saaraya xukuumada sida qoraalkiisan uu kaga hadlayo jawiga siyaasadeed ee Somaliland gashay uu ku sheegay, qoraalka siyaasiga ayaana uqornaa sidan:-


Waar Hooy Musharax Ma Taliyo, Ee Waa Loo Taliyaa.

Musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimada Somaliland iyo Somaliyaba, waxay xaq u leeyihiin, in ay bulshadooda weydiistaan, cod iyo cuud. Hasayeeshee, hadii ay kursiga waayaan, xaq uguma  laha in ay weydiistaan, in ay u loogaan curadadooda iyo camalkooda aakhiro.


Ruux kasta oo leh han iyo hunguri siyaasadeed, waxaa la gudboon in uu u maro hamigiisa dariiq haboon, oo aan habayaraatee hantaaqo iyo hurgumo midna u geysan dadkiisa iyo dalkiisa hooyo.


Kursi waa la helaa,  ama waa la waayaa oo waa calaf. Balse, ciyaar laguma helo ummad wanaagsan iyo aakhiro wanaagsan.


Raga dhaaranaya ee sida awrta dhibi-lisanaya, waxaan leeyahay saaxiibayaal, ninka maanta kursi doonayaa, wuxuu ka dhigan yahay nin dhawrtaysanaya, oo gacmaha dadka hoos dhiganaya.  Sidaa darteed, ma haboona In uu dhaarto iyo in uu dhaato toonna.


Hogaamiye kasta oo u hamuumaya in uu haaneedo hogaanka talada dadkiisa iyo dalkiisa, waxaa la gudboon saddex hal oo isku sidkan.


1. In uu muujiyo bisayl siyaasadeed, oo u tartamo si nadiif ah, isla markaana ixtiraamo aragtiyaha ka soo horjeeda.

2. In uu adkeeyo midnimada iyo wadajirka ummadiisa, uurkooda iyo ururkoodana aanu kala irdhayn.

3. In uu ilaaliyo amaanka  iyo nabad-gelyada dadkiisa iyo dalkiisa.


Waxaan leeyahay ummadda  Somaliyeed meel ay joogtaba, waar musharax ma taliyo, ee waa loo taliyaa. Waxay awoowayaasheenii hore ku maah-maahi jireen: Marti iyo meyd labadaba waa loo taliyaa, ee ma taliyaan. Musharaxu wuxuu ka mid yahay martida, oo lama weydiiyo meesha la dejinayo, goorta wax la siinayo, iyo waxa lagu  soorayo midna. 


Somalidu waxay ku maahmaahdaa, nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma raacdo.

Aniga qudhaydu waxaan ka mid ahay, qoorweynta iyo qamaamuurta gu'ugan qooqan, ee gudoomiye doonka ah.

Haddana, waxaan cindigayga iyo calooshayda geliyey, saddex calaamood oo kala cayn ah.


 1. In aan u tartamo si hufan, isla markaana aanan tolliimo iyo tudhaale midna  ka tegin.

2. In aan tuugo, oo cid kasta taageero weydiisto.

3. In aan ogolaado in aanan maanta talin, ee naloo taliyo aniga iyo asxaabtayda aannu tartamayno.

Loading...
Loading...