Putin Oo Uga Digay Finland Inay Ku Biirto Ururka Nato

0
Sunday May 15, 2022 - 09:27:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Putin Oo Uga Digay Finland Inay Ku Biirto Ururka Nato

    "Isbeddelka noocan oo kale ah ee ku saabsan jihaynta siyaasadeed ee waddankan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Isbeddelka noocan oo kale ah ee ku saabsan jihaynta siyaasadeed ee waddankan"

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay dhiggiisa Finland in ku biirista gaashaanbuurta Nato iyo ka tanaasulida dhexdhexaadnimada Finland ay tahay tallaabo "khalad" ah.



Putin wuxuu u sheegay madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö in aysan jirin wax halis amni ah oo kusoo fool leh Finland.


Arrintani ayaa imaaneysa xilli wadahadal dhanka teleefoonka ah uu dhexmaray labada madaxweynaha, ka hor codsi rasmi ah oo lagu wado in Finland ay dhawaan ku dhawaaqdo.


Sweden waxay muujisay rabitaankeeda ku aadan sidii ay ugu biiri laheyd isbaheysiga militeri ee reer galbeedka kadib duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.


Finland waxay xuduud dhan 1,300-km la wadaagtaa dalka Ruushka. ilaa iyo hadda kuma aysan biirin Nato si ay uga fogaato in colaad ay ka dhacdo xudduudda.


Putin ma uusan soo hadal qaadin hanjabaad gaar ah oo ka dhan ah Finland waa haddii ay ku biirto Nato balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa tilmaantay inay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah.


Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Ruushka ee uu ku hakinayo adeegyadii korontada ee uu siin jiray Finland ayaa loo arkaa caalamad hore oo muujineyso in Ruushka uu tallaabo ka qaadi doono Finland.


Hay'adda u xilsaaran adeeg bixinta korontada Finland ayaa xaqiijisay inuu Ruushka hakiyey korontadii ay ka heli jireen.


Tallabbada uu Ruushka qaaday ayaa ku soo beegmeysa laba maalin un kaddib marki madaxweynaha Finland iyo Ra'iisal wasaarahiisa ay si wadajir ah codsi xubinimo ay ugu gudbiyeen gaashaan buurta Nato, iyada oo codsigaasi Moscow si weyn ay uga soo horjeesatay.


Hay'adda adeegga korontada bixisa ee RAO Nordic waxay Jimcihii sheegtay adeegyadi horay ay dalkaasi u siiyeen lacagahoodi aysa bixinin.


Madaxa shirkadda tamarta ee Finland, Reima Paivinen ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada uu Ruushka ku hakiyay korontadiisa aysan wax dhibaato ah ku reebin dalkaas.


Waxa uu sheegay in korontada ay ka heli jireen Ruushka ay aheyd boqolkiiba ​​10% marka loo barbardhigo baahida adeegyada korontada ee dalkaas , wuxuu intaa ku daray in lagu bedeli karo ilo kale si ay uga maarmaan korontada Ruushka.


Ka dib markii ay wada hadleen Niinistö iyo Putin, Sabtidii, Kremlin-ka ayaa sheegay in hogaamiyaha Ruushka uu ku adkeystay "In soo afjaridda siyaasaddii dhexdhexaadnimada ee militeri ay tahay arrin khalad ah mar haddii uusan jirin halis amni oo kusoo fool leh Finland"


Kremlin-ka wuxuu intaa ku daray: "Isbeddelka noocan oo kale ah ee ku saabsan jihaynta siyaasadeed ee waddankan in uu saameyn xun ku yeelan karo xiriirka Ruushka iyo Finland kuwaas oo sannado badan xoojiyay deris-wanaagga iyo iskaashiga ka dhexeeya labadan dal."


Shaley ayay aheyd markii Ruushka uu sheegay inuu ku qasbanaan doono inuu qaado "tallaabooyin aargoosi ah", haddii dalka deriska la ah ee Finland uu ku biiro gaashaan buurta Nato.


Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in qorshaha Finland uu si weyn u dhaawici doono xiriirka labada al, iyo weliba ammaanka iyo xasilloonida waqooyiga Yurub.


Goor sii horreysay, Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Finland ayaa labaduna ku baaqay in dalkooda uu si degdeg ah u codsado kamid noqoshada gaashaan buurta Nato.


Shacabka Finland ayaa mudadii dambe si weyn u taageeray in dalkooda uu kamid noqdo Nato, kadib markii uu Ruushka ku duulay waddanka deriska la ah ee Ukraine.


Dhanka kale, Wasiirada arrimaha dibadda waddamada G7 oo dalka Jarmalka kulan ku yeeshay waxay markale sheegeen iney taageerayaan qaranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Ukraine iyo waddamada kale ee caalamkaba.


Bayaan ay wasiirradu kulankooda ka soo saareen waxay ku ballan qaadeen iney sii kordhinayaan cadadiska dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee ay Ruushka saarayaan, tallaabbadaasi oo ay ka mid tahay iney ka kaaftoomaan tamarta ay Ruushka ka helaan.


Iyaga oo sida oo kale sheegeen iney sii wadayaan taageerada militari iney u fidiyaan Ukraine ilaa inta kaalma looga baahan yahay, waa sida ay hadalka u dhigeene.


Sida oo kale wasirrada arrimaha dibadda G7 waxay Shiinha ugu baaqeen inuu Ruushka taageerin.

 

BBC

 

Loading...
Loading...