Beesha caalamka oo Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka ugu baaqday inay doortaan hoggaamiye wanaagsan

0
Saturday May 14, 2022 - 23:21:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha caalamka oo Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka ugu baaqday inay doortaan hoggaamiye wanaagsan

    Beesha caalamka oo Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka ugu baaqday inay doortaan hoggaamiye wanaagsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo Xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka ugu baaqday inay doortaan hoggaamiye wanaagsan



Hargeisa(HWN):-Beesha caalamka ayaa caawa ugu baaqday dhammaan Xubnaha Baarlamaanka ee labada aqal inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.



Bayaan kooban oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu booriyay Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hoggaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban.

Warka beesha caalamka ayaa ku soo beegmay xilli wax ka yar 24 saac ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha 10'aad ee Soomaaliya, waxayna soo dhoweeyeen dhameystirka geedisocodka doorashada kadib dib udhacyo badan oo lagasoo gudbay.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socondoonta doorashada, iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan safiiradda beesha caalamka.

Loading...
Loading...