Doorashada Maanta ee Bristol

0
Thursday May 05, 2022 - 10:28:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Maanta ee Bristol

    "Golaha Deegaanka ee Bristol waxa uu ka kooban yahay Todobaatan Xubnood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha Deegaanka ee Bristol waxa uu ka kooban yahay Todobaatan Xubnood"

Dadka ku nool magaalada Bristol ayaa maanta waxay Afti u qaadayaan inay meesha ka saaraan nidaamka doorasho oo Mayorka si toos ah loogu codeeyo, iyo in Bristol sideedii hore ay xubnaha golaha deegaanku iska dhex doortaan Hogaamiyahooda, si la mid ah golayaasha deegaanada Somaliland.



Bristol waxay Toban sano ka hor u codeeyeen in ay magaaladu Mayor toos loo doorto ay yeelato, waxaana mudadaas la doortay laba Mayor oo kan imika jooga ee Marvin Rees laba  goor la doortay oo wakhtigu ka dhamaanayo 2024.


Dadweyne badan oo diidan Mayorka toos loo soo doorto waxay ku doodayaan inaan Qof qudha Awooda lagu ururin, sidaas daraadeed meesha laga saaro Mayor awood badan, balse la helo Mayor ay goluhu iska dhex doortaan, taasoo Dimuqraadiyada u fiican.


Dadka qaar taageersan in Mayorka tooska loo soo doortaana waxay leeyihiin, waxa yaraanaya muranka iyo is riix-riixa xubnaha golaha deegaanka, waxaana talinaya qof qudha oo la doortay.


Golaha Deegaanka ee  Bristol waxa uu ka kooban yahay Todobaatan Xubnood oo dhawr Xisbi ka kooban. 

Tirada dadka ku nool magaalada Bristol waa nus Malyuun wax ka yar (465,900) hadana waxay leeyihiin 70 Xubnood oo golaha deegaanka loo doorto.


Hadaba Magaalada Hargeysa oo lagu qiyaaso in ay ku nool yihiin dad Hal Milyan ku dhow, ma laga yaabaa inay aad ugu yar yihiin inay leedahey 17 Xildhibaan oo keliya ?  Halka magaalada Bristol oo dadka Hargeysa ku nool badhkeed ay ku nool yihiin ay leeyihiin  Todobaatan xubnood oo golaha deegaanka Bristol loo doorto.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...