Wakaalada Biyuhu Haday Garoon Kubadeed Dhisto Ma Danbibaa?.
Runtii Caqliga qofka Aadamaha ahi wuu ka yaqyaqsoonayaa inuu maqlo mar
walba hadalo xataa aanay caruurtu ku hadlin, marka qof masuul ah oo waliba
dalkan inuu madax ka noqdo rabaa uu umad isla soo hor taago hadal aan munaasib
ahayn.
Waxaynu Arkaynay oo aynu daawanaynay maalmihii lasoo dhaafay niman ka
tirsan Xisbiyada mucaaridka ah, oo Maareeyaha wakaalada Biyaha ee Magaalada
Hargaysa, ku haysta Maxaad garoon u dhistay?. Iyo maxaad garoonka shulaac
biyaha ugu rushaysay salaadii Ciida?.
Waar dee Mucaaridka kuwa sheeganayoow Miyaanu qof muwaadina ahayn
Maareeyaha wakaalada Biyuhu, oo dalkiisa u shaqaynaya oo garoon iyo wax ka
badanba Inuu dhiso xaq loogu lahayn Mise waxaabay mucaaridku u haystaan in ay
danbi tahay in Garoon kubadeed loo dhiso dhalinyara?.
Caqliga umada yaan lagu ciyaarin oo aan kolna Xukuumadda Xisbiga Kulmiye lagu dhaleecayn waxba maydaan qaban marka ay wax qabtaana yaan la odhan hebeloow adigu maxaad tan u qabatay?.
Waxa Qorey :- Abdisiis Terra
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!