Ujeedada Qoraal Uu Xabsiga Ka Soodiray Wariye Maxamed Ilig
"Adeero waxa uu ku jiray meeshii Aabahay waxaanu ahaa Odayga qoyskayaga hoose oo dhan."
Hargaysa (HWN) Weriye Maxamed Ilig oo ku xigan magaalada Hargaysa ayaa qoraalkan ka soo diray jeelka wayn ee Hargeysa .
"Waxa Magaalada Hargeisa ku geeriyooday Aabahay walalkii Axmed Sheekh Maxamuud, (Askariga), oo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuusanayay Cisbitaalka weyn ee Hargeisa.
Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo anigoo aan xanuunkiisa arag, isla markaana aanan ka qayb gali karin Aaskiisa Sababo la xidhiidha Xoriyad la'aan.
Adeero waxa uu ku jiray meeshii Aabahay waxaanu ahaa Odayga qoyskayaga hoose oo dhan."
Wariye Ilig ayaa isaga iyo laba saxafi oo kale ay ku xidhanyihiin jeelka wayn ee Hargaysa, waxaanu kamid ahaa saxafiyiin 20 gaadhayay oo lagu xidhay bishii ina dhaftay Hargaysa
Loading...
Loading...


0 





