Dagaalada Aduunyadu, Dur iyo Daabac Weeyaano, Dawlada Ka Taajiray, Dayaxukoray Shidaalkiye, Doobigaaga Maad Culan

0
Tuesday May 03, 2022 - 10:12:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalada Aduunyadu, Dur iyo Daabac Weeyaano, Dawlada Ka Taajiray, Dayaxukoray Shidaalkiye, Doobigaaga Maad Culan

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh. Bismilaahi Alraxmaan Araxiim [A.S.C.W.R.W.B]

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha [CIID MUBARK]

 

Dawladnimada duminteed,Dad yaqaana baan nahay,



Degdeg baan u fulinaaye,Daryelkeedu naga dhiman,


Distoorkaydin sheegtaan,Duqii sameeyay dhimayo,


Daayinkeen ha geeyuun,Janooyinkii dugsoonaaye,


Dabadiis dad uma kicino,Dalkuna kuma shaqeeyo,


Dacwadaha maxkamadaha,Doodahooda laga yaab,


Dimuqraadinimadeenan Dawladaha galbeedkiyo,


DIINTEENA EBBAHAY,Duul baan nahay islaam ahe,


Dadkeena tee u door roon,Mise waysku sii days,


Dawladaha hareeraha,Deriska teed u jeceshiin,


Danahooda mooyaane,Waxa mayno daweeyaan.


Duxdeed haba yaraate,Dekedi way shaqaysaye,


Garoonkii dawliga ahaa,Dulsaara maxaa helay,


Dur iyo daabac weeyo,dagaladan aduunyadana,


Dawlada ka taajiray,Dayaxu koray shidaalkiye,


Deji ruushka siiyoo.Waxaan kaaga darin yeel.


               Ismail Abdillahi Handuleh.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...