Warqad Furan....Ku. Madaxweyne Muuse Biixi....Prof. Mohamed A. Farahmataan (Jaafaa)
Waxan u qalab qaataa wax akhris, wax qoris ama wax qabad.- Waa maxay wadaniyad, bal dib u jaleec hillinkii dheeraa ee xornimada iyo qaranimada Somaliland loo soo maray, sideese shacabkayga loogu beeri karaa geedka wadaniyada ay lahaayeen.
Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada burco, xasuuqii 20.12.84. lagu toogtey waxgarad kii, Somaliland.
Mudane madaxweyne, xasuuso, magaalada Muqdisho, xasuuqii, 18.07.89.
Waxii shucuur iyo qiiro aad uqabto dalkaaga iyo deegaankaaga wey kuu hayaan;
Waxaad damqasho iyo diirnax aad u hayso dadkaaga dalkaaga iyo duunyoba, wey kuu og yihiin.
Waxii wel wel iyo walaac kusoo food-saara, ama waxqabad, shacabkaaga iyo dalkaaguba wey kuu og yihiin, dhalinyarada u xidhan, baraha bulshada, kuna xidhan jeelashaaa, waa qeyrul dastuuri, maxkamadna lama marin, MADAXWEYNE HALA II DAAYO. (Waa talo).
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKIYA.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!