Rabadantii Wasiirkii Awqaafta Galaafatay

0
Friday April 29, 2022 - 11:22:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabadantii Wasiirkii Awqaafta Galaafatay

    Qoraa sare- Cali Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa sare- Cali Coomay

Sannadkii 1999 waa dawladdii madaxweyne Cigaal ‘AHN’ waxa wasiirka Awqaafta ka ahaa Sheekh Aayatulle. Wuxuu ka tirsanaa wadaaddada Qaadiriyada, waxaanay isku kacsanaayeen wadadan dambe. Curashadii bishii Rabadaan ee sannadkaasi ayaa la isku qabtay in Sucuudiga la raaco iyo in laga hadho. Inta badan shicibkii reer Hargaysa waxa ay la soomeen Sucuudiga oo sheegay in bishii la arkay, hasayeeshee Sheekh Aayatulle ayaa ku adkaystay in aan la raacin Sucuudiga.



Aakhirkii waxa timid Ciidul Fidridii, intii badnayd caalamu Islaami ayaa isku raacday in la Ciido. Hasayeeshee wasaarkii Awqaata Sheekh Aayatulle ayaa warbaahinta dawladda ka sheegay in aanay berri ahayd Ciidul Fidri oo laba cisho ka dib ay noqon doonta Ciidu. Laba cisho iyada oo la Ciidsan yahay ayuu Sheekh Aayatulle ku adkaysanayey inay Rabadaan tahay.


Ka dib waxa madaxtooyada Soomaalilaan ka soo baxay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenkii xilligaasi, ayaa xilka lagaga qaaday wasiirkii Awqaafta Aayatulle. Warsaxaafadeedka waxa la socotay hadal u dhignaa sidan” ka dib markii aan arkay in aad Diinta barbar cararayso.” Markaa arrintan maanta taagani hore ayey inoo martay.


Qoraa sare- Cali Coomay

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...