Waa Tan Duruustii Siyaasadeed Ee Uu Inoo Sheegay Agaasime Abdinur.

0
Friday April 29, 2022 - 11:12:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Tan Duruustii Siyaasadeed Ee Uu Inoo Sheegay Agaasime Abdinur.

    Qore : Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caano-nuug) oo ah Musharaxii Saynab ka guulaysatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore : Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caano-nuug) oo ah Musharaxii Saynab ka guulaysatay.

Safar dheer, shaqo badan iyo dadaal mudo sanad ku dhow aan waday waxaa Alle mahadii ah in aan galabta soo gaban-gabeeyay Ololihii aan ugu jiray xilka Guddoome ku xigeen ka kaad ee GSHS, waxaa ay ahayd marxalad siyaasadeed oo aad muhiim iigu ah, oo aan ka soo kasbaday khibarad, aqoon iyo waayo aragnimo.



Sidaas darteed waxaan si mug leh ugu mahad-celinayaa dhammaan xildhibaanada sharafta leh ee codkooda igu sharfay iyo dhammaan dadkii iiga Hagar-baxay xiligii adkaa ee Ololaha.


Inkasta oo aan guulaysan waayey, guushuna tahay qadarta Rabbi hadana waxa aan la inkiri karin arimo badan oo keenay guul-darada, saaxiibo ballan furay, kuwo na hagardaamiyay iyo kuwo baadida nala daydayay se rabay in aanan helin intaba waa jireeen balse waxaa fajaciso igu ahayd isku milanka Raggii aan aagga kuwada jirnay ee Mucaaradka aan ahayn iyo kuwii aan aagga isugu jirnay, waa darsi cusub oo siyaasadeed oo aan caawa bartay balse Mar idage Alle ha dago, mar labaadse anaan ba dagmi doonin IA.


Ugu dambeyn waxaan caddeynayaa in aanan niyad jabin, guushana aysan ahayn kaliya kurskga balse tahay Hannka iyo Shaqada, waxaan u xaqiijinayaa saaxiibadey, taageerayaasheyda iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in aan horay u socon doono aan isbadal waxtar leh ka qayb gali doono hoggaamintiisa, kaas oo lagu dhisi doono Dowlad Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaa  kuna naaloon doonaan, lehna Hoggaan lagu kalsoonaan karo lana soo tijaabiyay.


Libaax Nin Ganay iyo Galaday ba og.

Mahadsanidiin.

Wabillaahi Al-towfiiq

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...