Dagaalka Yemen Muxuu U Sii Socdaa?

0
Sunday April 24, 2022 - 11:24:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Yemen Muxuu U Sii Socdaa?

    W/Q: Cali Mqaxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Mqaxamed Biixi

Xuusiyiintu Waa Maxay Sharciyadda Ay Dalka Ku Haystaan ?



Ama Maxay Dadka Reer Yemen U Taageerayaan?


Dhibaatooyinka Dagaalka Waa Maxay ?


7 Dal Ayuu Dalka Yemen U Qeybsami Doonaa?

 

Dagaalka dalka Yemen wuxuu socdaa muddo 8 sano ah iminka ,kolkii ay xulafada dalka Sucuudiga iyo UAE iyo isbahaysigoodii ku soo duuleen dalka Yemen ,xiligaas oo ay u haysteen in ay dalka Yemen ku qabsan doonaan 2-bo todobaad , laakiin ilaa maalinkaa maanta ah wuu socdaa , oo maalinba maalinta ka danbeysa ayuu ka sii xumaanayaa .

 

Sanadihii u danbeeyay waxa ay Xuusiyiintu garaaceen dalka Sucuudiga iyo dalka UAE oo ay sawaariikh iyo diyaaradaha Drone-ta loo yaqaano ku garaaceen , halkaas oo ay khasaaro weyn u geysteen .

 

Dalka Yemen waxa ka jirta duruufo iyo xaalado adag oo banii aadanimo ( macaluul-gaajo - cuduro- iyo faqri weyn) caalamkuna wax uu u adkaysan karo maaha iyo weliba cunaqabatayn cir iyo bad iyo beriba ah .

 

Dhibaatooyinka dagaal ee dalka Yaman ka jiraa waa qaar kala duwan oo jabhado qabiilaysan ayaa isku haya dalka oo ay kala taagersan yihiin quwado shisheeye , sida dalka Sucuudiga iyo UAE iyo Cumaan iyo qaar kale .


waxay u kala fadhiyaan 7 kooxood oo iswada haya oo dagaal iskula jira ,  waxaana ugu weyn Xuusiyiinta oo haysta caasimadii iyo waqooyiga Yaman iyo xoogag qabsaday koonfurta oo gooni goosato ah (Cdan iyo waqooyigii dalkii Yaman la odhan jiray) iyo xukuumadii dalka mastaafurka kaga maqan ee saldhigeedu yahay dalka Sucuudiga ee uu madaxda ka yahay xukuumadda ictiraafka ka haysata beesha caalamka (madaxweyne Cabdi rabo alhaadi) ee xuussiyiintu inqilaabka ku rideen ee ay dalka kaga qabsadeen. iyo koox ikhwaan muslimiin ah oo buuraha ku jira  iyo koox ay dalka Cumaan taageerayso oo haysta gobolka Muhra iyo kooxo kale oo ay ka mid yihiin ALcamaaliqa iyo qaar kale .

 

Hadaba kooxda xuusiyiinta sharciyadda iyo taageerada maxay qabaa,ilku u siinayaan ee ay u taageersan yihiin ? arintaasu waxay u baahan tahay fahan iyo in dib loogu noqdo taariikhda dalka Yaman .

 

Sanadkii 285 -kii ilaa 1962( 11 qarni) waxaa dalka Yaman ka talin jiray oo xukunkiisa haystay qoysas ka soo jeeda asalkoodu CALI bin abii dhaalib oo quraysh ku abtirsada ( ahlul bayt) .

 

1962 ayaa inqilaab ka dhacay dalka Yaman oo uu dal jamhuuriyad ah noqday .

Markaa dad badan iyo qabaa,il badan ayaa rumaysan in lagu noqdo nadaamkii imaamka ee ay talada hayeen ahlul baytku ( Qurayshtu)(cali bin abii dhaalib (rin iyo Faadumatu alrasuul (scw).

 

markaa Xuusuyiintu waxay ka soo jeedaan magaalo u dhaw Sacda oo la yidhaahdo Xuus , oo waxay ku abtirsadaan ahlul baytka ( Quraysh ) sidaas awgeed ayaa shacab badani u taageersan yihiin .

 

Hdaba dagaalka dalka Yaman ka socda lama garan karo cid guulaysanaysa iyo cid kale . Waana dagaal ay koxo badani isku hayaan oo aan kala adkaankarayn oo kooxba cidi taageersantahay .

waxaana laga yaabaa in uu dalka Yaman 7 dal u kala qeyb samo  haddii aan heshiis siyaasadeed lagu dhamayn arinkaas iyo dgaaladaas , arintaasuna ma muuqato iminka .

 

markaa dawladaha iyo caalamku waa inuu wax ka qabto oo fara geliyo

 

Cali Mqaxamed Biixi

[email protected]

CALIBIIXI

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...