Wax Ka Ogow Darbiga Magaalada Harar Iyo Sababta Iyo Cidii Dhistay.
Magaalada harar waa magaalo taariikh leh.kana mid ahayd caasimadihii muslimiinta looga talin jiray geeska afrika sidii zaylac oo kale..
Magaalada ayaa leh darbi kusoo wareegsan lana dhisay xili horeeto oo ku suntanayd wakhtiyadii uu xukumaayay amiirkii muslimiinta ee la odhan jiray amiir nuur cali binu mujaahid cabdilaahi loona garan ogaa nuur binu maajihid.
Amiirkaa oo la aaminsanaa inuu ka mid ahaa ama kasoo jeeday qoomiyada soomaalida,ayaa qayb weyn ka qaatay gaadhsiinta iyo faafinta diinta islaamka.
Isaga oo dagaalo waaweyn la galay kooxihii kiristaanka ee gacan saarka weyn la ahaa reer galbeedka kuwaa oo ugu danbayntii uu ka guulaystay.
Waxana la sheegay in amiir nuur sidoo kale guursaday haweenaydii uu axmed ibraahim oo loo garan ogaa ahmed guray ka dhintay. imaamkaas oo ahaa imaamkii weynaa cagtana ku dhigay guud ahaan Ethiopia iyo abasinia oo dhamaantood
Amiir nuur waxa uu dhisay darbiga afar geesoodka ee ilaa hadda ka dhisan harar isaga Ismaciil difaacayay kiristaankii isasoo bahaystay iyo oromadii doonaysay in ay qabsadaan dhulka harar ee muslimiinta daganayd.
Intii uu darbigu socday muddo hal sanno ah ayuu amiir u anbabaxay jihaad kuwaa ku qaadayay kiristaankii markaa weerarka ku hayay.
Dagaaladaaasina waxa ay ka dhaceen baalli iyo hadiya .
Dabadeed amiir nuur wuxu weerar ku qaaday fataqaan halkaasu kula dagaalay boqorkii xukumayay ethiopia.
Amiirkaa oo toban sanna kusoo celiyay wax walba isaga oo xaqiijiyay haddafyadii imaam ahmed gurey,
waxa dagaal kusoo qaadayay dadyowgii oromada ahaa oo markaa ku dhaqnaa koonfurta Ethiopia kuwaa oo damacooga ahaa inay muslimiinta iyo soomaalida ka tirtiraan dhulka harar.
Ayaa uu amiir nuur bilaabay inuu darbi weyn ku wareejiyo magaalada harar oo dhan.isaga oo u yeelay shan albaab si ay ciidamadiisa uga dufaacaan duulaanada uga imanaya dadyowgaa oromada ahaa
Kaas oo dadkii deegaanka herar iska dhiciyeen oromadii weerarka ku haysay
Balse sannadii 1567dii ayay oromadii haddana soo ragaal celisay,inkastay muslimiinta iska difaaceen waagaas haddana waxa ay oromadii oo baaxadeedu badnayd magaaladii galiyeene godoon in Kastoo ay amiirka iyo muslimiintu iska difaaceen balse waxa ka dilaacay cuduro badan taa oo amiirka laftiisa ay saaqday, cuduradaa uu daacuunku ka mid ahaa.halkaana uu amiir nuur laftiisu ku geeriyooday.
W/Q: Hamse riiraash.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!