Siyaasadii Geela, Waxa Bedeshay Siyaasada Cusub Oo Dhalaan Habaabis Ah.

0
Saturday April 23, 2022 - 09:27:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadii Geela, Waxa Bedeshay Siyaasada Cusub Oo Dhalaan Habaabis Ah.

    W/Q: Nuuradiin Ibraahin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Nuuradiin Ibraahin Diini

Xiligan casriga ah ee aynu ku jirno waxa aad moodaa in aynu raadkeenii dib u raacnay oo wixii laga xishoon jiray aan cidi ka xadhig xidhan. Ma jirto isla xisaabtay dhab ah'i qof walibana wuxuu qaaday tubtii ay ugu badinaysay ama sidii uu isagu wax ku helaayay, "Awarkiisa ku kacsanaayay". Shacabkiina waa in dayeeysan, in yaaban oo afka iyo gacanta isku haysa, in sidan run moodaysa oo la siray waana inta ugu badan kuwa beenta rumaystay!



    Gabi ahaanba waxa meesha ka baxday sidii looga shaqayn lahaa danta guud, ku dhaqanka sharciga, kobcinta dhaqaalaha, dib u qaabaynta siyaasada guud, dib u dhiska iyo hagaajinta kaba yaasha dhaqaale iyo kuwa arimaha bulshada.


   Dantii guud ee umadda midaynaysay waxa lagu bedelay dan gaar ah qorshayaashii wax lagu maamulaayayna waxa ay noqdeen kuwo gole ka fuul iyo toocsi ah. Siyaasada maantu waa mid ku dhisan been, iyo humaag indho sarcaadda, waxa la gaadhay heer la aamino oo loo sacbiyo kii beenta sheegaayay, runtana laga dido layskuna naco, waxa aynu maraynaa heer xumihii iyo faaxishadii bulshada ku dhex fido, hormood u noqoto intii hal-doorka ahayd ee muuqatay sidaana lagu jecelaado cudur daarna ku helaan.


   Ka waran bulsho intii ugu mudnayd fasahaadinayso oo been ku dhex fidiso miyaanay ahayn uun qof haraadan oo ban cidlo gamaahira lugaynaaya dhalaan habaabisna biyo mooday.


 Bal adigu "dhalaan habaabis biyo ka dhaanso" wixii aad ka dheeftana cidna haw hambayn.

Garma-qaatayaashiyo dadkaa, beera ruux gudhan'e

Gambo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo

Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho,

Keligii in uu guurti yahay, maalintaa gunudye!


waaba tabta maanta loo haggaayo bulshadii waxaana lagu maaweelinayaa jilniin dhab ah oo ku dhisan damqashiyo daacadnimo aan niyo ahayn sawdka siyaasada maantu waa:

"Salaan aan niyaa ahayn.

Gacmaha laysa saaraa.

 Laysi soo dhoweeyaa.

 Runta laga siqaayaa.

 Beentaa sacabka loo tumay adduunyooy xaalkaa ba'a.

 

W/Q: Nuuradiin Ibraahin Diini

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...