Maayir Mooge Maxaa Uu Gaara Mayirnimadiisa?

0
Saturday April 23, 2022 - 09:18:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayir Mooge Maxaa Uu Gaara Mayirnimadiisa?

    W-Q-Siyaasi Galaal-Fadac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W-Q-Siyaasi Galaal-Fadac.

Tan iyo intii aan la soo noqonay xoriyadii 1991 mayirada dalku waxay ahayeen qaar uu soo magaacaabo Madaxweyne xiligaa talada jooga , lakiin markii la hirgaliyey nidaamka Xusbiyada badan waxa suuro gaashay in markii ugu horeyey la qabto doorashooyin degmo doorashooyin , iyagoo uruurada ku loolamayaa degmo doorashooyinka  ayna u tartamayeen mudanayaal badan oo dalka ah , waxa doorashada hirgaliyey Madaxweyne Riyaale .



Waxaana koomishankii ugu horeyey ku dhawaqeen musharaxiintii ku guulaystay doorashada iyo uruurada ka Soo kala baxeen , ka dib dorashadaa waxa bilaabmay halgan adag oo loogu jiro hanashada kursiga mayirnimo ee magaaloyinka waaweyn ee dalka , waxaana mayirnimada Maglooyinka waaweyn qaatay Madaxtooyadu xildhibaano ay wadatay.


Waxaan si gaara uu dul istaagaynaa mayirka Caasimada ee dorasho ku yimaada oo uu ahaa Xildhibaan ay wadatay Madaxtooyadu kana soo baxay xusbigii Udub.


Dorashadii 2012 waxay ahayd markii loo dareeray doorasho gole degaan , waxaana Madaxweyne ahaa Siiraanyo waxaana loo doortay mayirka Caasimada AHN Eng Yuusuf warsame Siciid oo ka soo baxay xusbiga kulmiye, maalmo kooban waa geeriyoday, madaxtooyada ayaana soo badalatay waxaana Mayir loo doortay Abdirahmaan Maxamuud caydiid soltelko.


Intaa hore waa hordhac aan uu soo noqono arinta mayir mooge

Mooge ayaa isagoo ka mida dadka samafalka ka shaqeeya uu holaday inuu noqda Mayirka casimada oo sida lagu imadaa ay adag tahay leedahayna shuruudo kala duwan:_


1:_ inaad tahay dadka deegaanka ama hore Caasimada mayir uga noqda beel ahaan lagu wato Madaxtooyadu ku qanacdo .

2:_ inaad bixiso lacago laalush ah ilaa marka ugu danbaysa aad iibsato mudanayasha deegaanka ah  codkooda.

Iyo arimo badan oo kale


Belse Mayir mooge waa garab maray wadaada hore.

 Waxaanu toos ula hadlay dadka codka bixinayey isagoo jabiyey record hore oo ay adkayd inuu qof jabiyo, arinta kale ee xisaha leh waa mayirkii ugu horeyey ee ka soo baxa xusbi mucaraada ee magaalada casimada mayir ka noqdo aqbashayna Madaxtooyadu...


W-Q-Siyaasi Galaal-Fadac.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...