Xidhiidhka U Dhexeeya Somaliland Iyo Kenya

0
Friday April 22, 2022 - 20:45:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka U Dhexeeya Somaliland Iyo Kenya

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Sanadkii 2006 waxa Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin  uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Mwai Kibaki oo saaka ku geeriyooday Dalka Kenya.



Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray Xukuumada iyo Shacbiga Kenya ugana tacsiyadeeyay geerida ku timi Madaxweynahoodi hore ee Mwai Kibaki.


Madaxweyne Mwai Kibaki waxa uu laab balaadhan u lahaa, niyadana ka jecelaa in Somaliland la aqoonsado, talooyinkii uu Daahir Riyaale siiyayna waxaa ka mid ahaa in Somaliland ay xoogga saarto sidii ay uga mid noqon lahayd Urur Goboleedka Geeska ee loo yaqaan Intergovernmental Authority on Development (IGAD). Waxaana uu tilmaamay in Somaliland u baahan tahay Saddex Madaxweyne oo keliya oo taageera in Somaliland ay ku biirto ururkaas, inkasta oo waagaas aanay Koonfurta Sudan ku jirin ururkaas, taasi oo loo baahanayo imika in Afar Madaxweyne ay taageeraan ka mid noqoshada ururkaas.


Xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Kenya ayaa ah mid wanaagsan oo koraya. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Dalka Kenya booqday 15 kii bishii December ee sanadkii 2020, lana kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta iyo madax sare oo dalkaas Kenya ka mid ah.


Dhinaca kale doorashada Madaxtooyada ee ku soo fool leh Dalka Kenya Murashaxa ugu tunka weyn ee u ordayaa waa Siyaasiga weyn ee Raila Odinga oo fagaarayaal kala duwan ka sheegay in ay Jamhuuriyada Somaliland u qalanto in la aqoonsado.


Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Bristol. UK

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...