Guddiga xalinta khilaafaadka oo hakiyay natiijada kuraasta HOP211, HOP209 & HOP201

0
Friday January 28, 2022 - 09:19:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga xalinta khilaafaadka oo hakiyay natiijada kuraasta HOP211, HOP209 & HOP201

    Kuraasta la hakiyey natiijadooda ayaa kala kala ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuraasta la hakiyey natiijadooda ayaa kala kala ah




War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashoyinka Soomaaliya ayaa joojiyey kuraas sedax ah oo doorashadooda la qabtay.



 

Kuraasta la hakiyey natiijadooda ayaa kala kala ah HOP201, HOP209 iyo HOP211 kuwaas oo lagu doortay Muqdisho waana kuraasta Gobollada Wuqooyi.


 


 

Seddexda Kursi ee la hakiyey natiijadooda sax ahaanshiyaha waxaa ay kala yihiin:

 

Kursiga uu ku fadhiyey C/raxmaan Ducaale Beyle

Kursiga uu ku fadhiyey Ahmed Dhimbil Roble

Kursiga ay ku fadhisey Caasho Koos Maxamuud Cumar


 

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Maxamed Cawil Warsame ayaa faray Guddiga Doorashooyinka heer Federal iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka Soomaaliland Gobollada wuqooyi in ay la shaqeeyaan si baaritaanka la sameenayo.


 

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashoyinka Soomaaliya kuraasta ay hakiyeen balse hore kuraas doorashadooda la qabtay ay hakiyeen ayey dib ka fasaxeen oo ay sax ka dhigeen guddigaasi.




Loading...
Loading...