Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dowladood

0
Friday January 28, 2022 - 09:14:56 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga Labada Dowladood

    Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda e dalkaas Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojin xiriirka taariikhiga ah ee Labada Dal.



 

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibbada ah, waxaana ay isla garteen dardargelinta iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta safaaradaha.


 

Wasiirrada ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii ay Soomaaliya iyo Rwanda iskaashi miro-dhal ah uga yeelan lahaayeen dhammaan arrimaha quseeya danaha labada qaran ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla soo dhoweeyey fursadaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee Labada Dal sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.


 

Ugu dambeyn, iyada oo laga dib loo eegayo xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, waxa ay Wasiirradu isku raaceen in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo iskaashiga fagaareyaasha caalamiga ah iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah.

Loading...
Loading...