"Doorashada Dadka Codkooda laga Doonayo looma Hanjabi Karo"

0
Friday January 28, 2022 - 09:02:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Doorashada Dadka Codkooda laga Doonayo looma Hanjabi Karo"

    Sidoo kale Siyaasiga Ismaaciil Buubaa ayaa waxa uu sheegay in si Dimuqraadiyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Siyaasiga Ismaaciil Buubaa ayaa waxa uu sheegay in si Dimuqraadiyadda



Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa usoo jeediyay Xisbiyadda Mucaaradka in ay u diyaar garoobaan qabashada Doorashooyinka Ururada Siyaasada.


 

Ismaaciil Hurre Buubaa oo Shalay la hadlay qaar mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu Aaminsanyahay in layska dhawro wixii qaynuunka ka soo hor jeeda,waxaana uu intaasi ku daray in Maxkamdda sarre soo saartay in sharci tahay furista Ururada Siyaasada.



 

Ismaaciil Buubaa oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan odhan lahaa Xisbiyadda Mucaaradka candhuuftiina dib u liqa Doorasho ayaa dhacaysa, Dadweynaha ayaa la waydiisanayaa codka Doorashada dadkii codka la waydiisanayay looma hanjabi karo, sideedaba wixii qaynuunka ka soo hor jeeda in layska dhawro ayaan Aaminsanahay, Wadankuna in uu noqdo mid qaanuun lagu xukumo,waxaana aanu Isla, garanay hadii aanu nahay Dadkii danaynayay furista Ururada Siyaasada in meesha ugu haboon ee aanu u gudbin karnaa tahay Maxkamadda sarre, waxaana Maxkamadda sarre go,aamisay in Ururadii la furayo qofkii yidhaahda hala furo Ururada waxa uu hadal kiisa ku salaynayaa Qaraarkii Maxkamadda sarre ka soo saartay furista Ururada Siyaasada,sidaa aawadeed wixii qaynuunka ka soo hor jeeda in layska dhawro ayaan aaminsanahay”.


 

Sidoo kale Siyaasiga Ismaaciil Buubaa ayaa waxa uu sheegay in si Dimuqraadiyadda aanay u shaqaynan Saddexda Xisbi ee dalka ka jira.Waxaana uu yidhi”Anagu maw qif u Umadda u dana ayaanu wadnaa,Dadweynaha Somaliland ku nool iyo Mandaqada aynu ku nool nahay iyo Caalamka mid ayaa laysku wada raacsanyahay, oo ah in Saddexdii Xisbi sida ay u shaqaynayaan maaha mid Dimuqraadiyadda Horumarinaya”.

Loading...
Loading...