Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Jabuuti

0
Thursday January 27, 2022 - 19:43:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Jabuuti

    "Xogaha kulanka ayaa la raaciyey in lagu soo bandhigay baahida loo qabo sidii labada dhinac ee xuduud wadaaga leh u xoojin lahaayeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xogaha kulanka ayaa la raaciyey in lagu soo bandhigay baahida loo qabo sidii labada dhinac ee xuduud wadaaga leh u xoojin lahaayeen"

Jabuuti (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Khamiis ah Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti.



Kulanka Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Djibouti Md Ismaaciil oo aan qoraal rasmi ah labada xukuumadood ka soo saarin, ay xogo laga helay xaqiijinayaan inay kaga wadahadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh iyo danaha ay wadaaggan labada dhinac siidii loo sii wadi lahaa, sida dhinacyada ganacsiga iyo amniga.


Qaabilaada Md. Ismaaciil ee wefdiga Somaliland ayaa la sheegay inuu la xidhiidho sidii hindiseyaal cusub loogu kordhin kara heerka is-dhaafsiga dhaqaale ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland.


Xogaha kulanka ayaa la raaciyey in lagu soo bandhigay baahida loo qabo sidii  labada dhinac ee xuduud wadaaga leh u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhanka amniga ah, taasoo lagama maarmaan u ah is dhex galka ganacsi ee guuleysta.


Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Ciise ayey kulanka ku wehelinayeen Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateye iyo wakiilka Somaliland ee Djibouti,  Cabdifataax Saciid Axmed.


Dhinaca Jabuuti, waxa kulanka goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane. Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliland, Xuseen Cumar Kawaaleye.

Loading...
Loading...