Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Buuq Hargaysa Lagu Xidhay

0
Thursday January 27, 2022 - 19:37:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xirsi Oo Ka Hadlay Buuq Hargaysa Lagu Xidhay

    "Qof la xidho ayaynu ogayne, buug la xidhaana waa ii kow!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qof la xidho ayaynu ogayne, buug la xidhaana waa ii kow!"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si adag uga hadlay xadhiga ay xukuumadu kula kacday Buugga Mayal oo uu qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

 

Buugga oo uu qoray qoraaga da’ada yar ee Cabdiraxmaan Abees ayay xukuumaddu la wareegtay nuquladii buugga oo la doonayay in Hargeysa lagu soo bandhigo.

 

Guddoomiye Xirsi oo ka hadlay xanibaada Buugga Mayal ayaa waxa uu yidhi sida tan:

 

Qof la xidho ayaynu ogayne, buug la xidhaana waa ii kow!

 

Buugga MAYAL, waa buug uu qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah dhllinyarada halabuurka iyo curinta Ilaahay hibada u siiyay, wuxuu soo saaray buuggan -dabcan waxaa galay tacab iyo maskax, waxaanay ahayd in la dhiirrigeliyo. Dastuurka Somaliland qodobka 16aad ayaa sheegay in halabuurka iyo dhaqankeenna suubban la dhiirrigeliyo, waxaana intaa dheer muhiimadda uu qoraalku leeyahay.

 

Waa arrin khaldan in la cabudhiyo maskaxaha wax curinaya ee ay ka soo burqanayaan halabuurka iyo xogaha bulshadu u baahan tahay ee muhiimka u ah. Haddiiba wax khalad ah lagu tuhmay, waxay ahayd in khaladka la sheego ama la gorfeeyo oo lagala doodo qoraha.

 

Imaam Maalik ayaa laga weriyay hadal macnihiisu yahay: "Nebi Maxamed NNKH mooyaane, Ma jiro qof aan diidmo lagaga fal celin karin wuxuu qabo ama qoray.”

 

Sida uu qoraagu sheegay, dhammaan shixnaddii la soo daabacay ee buugga Mayal xukuumadda ayaa xayirtay inyar oo aan gacantooda gelin mooyaane.

 

"Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido

 

Gacalnimo hal loo yidhi hadday, gubasho sii beerto

 

Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedaysan

 

Runta wuxu u guul guulayaa, way gundheertahaye

 

God-daloolo qudha maaha iyo, goonidaa taliye

 

Gedaan loo filayn baa jirtiyo, geela-daaq kale e,

 

Miyaan geedi baabuu arladu gelin ba waayaynin” -Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)


Loading...
Loading...