Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka G, Waqooyi oo Maanta lagu doortay Muqdisho

0
Thursday January 27, 2022 - 11:38:39 in News by
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka G, Waqooyi oo Maanta lagu doortay Muqdisho

    Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaan wax tartan ah la gelin, kadib markii ay sheegeen inay tanaasuleen musharrixiinta qaar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaan wax tartan ah la gelin, kadib markii ay sheegeen inay tanaasuleen musharrixiinta qaar.

Guddiga higelinta doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa Maanta waxaa ay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku doorteen Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.


Kursiga Koowaad ee Hop244 ayaa waxaa ku tartamay Kaltuun Xayir Jaamac iyo Siciid Maxamed Maxamuud, waxaana kursiga ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamuud, kadib markii ay tanaasushay Kaltuun Xayir Jaamac.



Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud ayaa Cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay 101 Ergo majirin wax diiday ama ka aamusay, sidaasina uu kursiha Hop244 uu ugu guuleystay.


Kursiga labaad ee HOP037 oo ay horay ugu fadhisay Hudda Axmed Cali ayaa waxaa ku tartamay, Marwo Ifraax Maxamed Cawad (Nooleeye) iyo Marwo Caasha Cabdilaahi Warsame Diiriye, balse Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa kursiga ku guuleysatay kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Caasha Cabdullaahi (Nooleey).


Xildhibaan Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan codka Ergada oo dhan oo Maanta aheyd 99 , ma jirin cid ka aamustay ama diiday.


Kursiga Saddexaad ee HOP238 oo uu horay ugu fadhiyay Iamaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim iyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir , balse waxaa kursiga kusoo baxay Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim kadib markii uu tanaasulay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.


Xildhibaan Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim ayaa waxaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Ergada oo tiradoodu tahay 101 Ergay, waxa uuna helay 98 Cod ,waxaana ka aamustay 3 ergo.


Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaan wax tartan ah la gelin, kadib markii ay sheegeen inay tanaasuleen musharrixiinta qaar.

Loading...
Loading...