Puntland Oo Aanay Weli Shaqayn Golayaashii Deegaan Ee Ay Shacabka Doorteen Iyo Sababta

0
Thursday January 27, 2022 - 09:16:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Aanay Weli Shaqayn Golayaashii Deegaan Ee Ay Shacabka Doorteen Iyo Sababta

    "Iscasilaadaas kadib Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa 18kii bishan soo saartay qoraal "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Iscasilaadaas kadib Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa 18kii bishan soo saartay qoraal "

25kii ilaa 26kii bishii Oktoobar ee Sannadkii hore, ayeey ahayd markii Saddex degmo oo ka tirsan Puntland lagu qabtay doorashooyin dadweynuhu ku soo doorannayeen Goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn taas oo ahayd markii ugu horraysay oo doorasho noocas ah Puntland ka dhacdo 24 sanno oo ay jirtey.

 

laakiin Xubnahaas la dooraytay wali ma wada fariisan si ay u doortaan gudoon shaqada degmooyinkana loo bilaabo arrintaasi oo taagan ayaa waxaa horaantii bishan xilka ka tegey guddoomiyhii guddiga doorashooyinka Puntland TPEC Guuleed Saalax iyo kuxigeenkiisii oo Dawladda ku eedeyey cagajiid ku saabsan arinta damuqraadiyada.

 

Iscasilaadaas kadib Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa 18kii bishan soo saartay qoraal lagu muddeeyey in ay fariistaan golaysha deegaan ee saddexdaasi degmo 27 bishan oo ku beegan maalinta berri ah.laakiin isla maanta ayaa wasaaraddu markale soo saartay qoraal lagu sheegay in fadhigaasi dib u dhacday arin farsam awgeed


Loading...
Loading...