Maxaad Ka Taqaannaa Xanuun Baab'iyaha Loo Adeegsado In Masaska Lagu Dilo?

0
Thursday January 27, 2022 - 08:59:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaannaa Xanuun Baab'iyaha Loo Adeegsado In Masaska Lagu Dilo?

    "Jasiiradda Guam ee dalka Mareykanka ee hoyga u ah masaskaasi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jasiiradda Guam ee dalka Mareykanka ee hoyga u ah masaskaasi"

Dawladda Maraykanka dawada xanuun baab'iyaha ah ee Paracetamol oo aan u isticmaalno jabinta xanuunka jirkeenna ku jira waxay u isticmaashaa iney ku dilaan noocyo ka mid ah masaska cawlan ee laga helo jasiiradda Guam.



Dalkaasi 80 mg oo kaniinka Paracetamol waxay u isticmalaan iney ku dilaan masaska laga helo Jasiiraddaasi.

Noocyada masaska ee ku nool dhirta jasiiraddaasi waxay inta badan cunaan jiirka geedaha dhaadheer dushooda ku nool. Haddaba kaniinka Paracetamol wuxuu awood u leeyahay masaska noocaasi ah saacada yar gudahood inuu ku dilo.


Waaxda Beeraha ee Maraykanka ayaa adeegsata qalab gaar ah si ay ula socoto iney masaska la siiyey kaniinka Paracetamol ay u dhintaan dawada la siiyey iyo inkale.


La dagallanka 'masaska'

Mareykanka wuxuu dagaal uu kula jira masaska cawlan ee geedaha dushooda ku nool maadaamaa ay yihiin kuwo halis badan, inta badanna masaskaasi waxay ku nool yihiin geedaha dhererkooda uu ka sarreeyo 3 mitir.

Waxaana la dagaallanka masaskaasi sanadki uu Mareykanka ku bixiyaa 8 malyan oo doolar.


Haddaba waxaa la isweydiin karaa dowladdii la rabay iney duurjoogta iyo wixi la hal maala ay ilaaliso sababta ay u dileyso masaska. Jawaabtuna waxay tahay dowladdu iney garwaaqsatay maskaasi inuu yahay mid noolaha oo dhan khatar aad u weyn ku keeni kara.


Jasiiradda Guam ee dalka Mareykanka ee hoyga u ah masaskaasi waxay ku taallaa galbeedka badda Pacific, masaafa u jirta 11,000 oo km.


Jasiiradda sida oo kale Philipines waxay u jirtaa 2,500 oo km halka Australia ay u jirto 4,500 oo km.

Tirada masaska cawlan ee ku nool geedaha jasiiradda Guam ayaa labanlaabantay. Masaskani waxay khatar ku yihiin noocyada shimbiraha ee dhif iyo naadirka ah oo weliba sii dabar go'aya.


Mareykankana wuxuu sheegay 11 ka mid ah shimbirahaasi sii dabar go'aya iney masaskaasi cunaan.

Masaskaasi oo isku mara ama isku duuba xarkaha korontada waxay marar badan sababaan adeegga korontada oo meesha ka baxdo, waxayna cillad soo wajahdaa qalabka korontada qaybiya.


Wakaaladda Tamarta ee jasiiradda Guam waxay sheegtay dayactirka korontada ee ka dhalata cilladaha ay masaska sababaan iney sanadki ku bixiyaan $4 malyan oo doolar.


Sababahaasi awgoodna Mareykanka wuxuu isku dayayaa inuu xakameeyo tirada masaskaasi khatarta badan ee sii kordheyso. Jasiiradda Guam oo dhulka ay ku fadhido lagu qayaaso inuu le'eg yahay kan magaalada Hyderbad, waxa lagu qayaasaa iney 300,000 oo maskakaasi ka mid ah iney ku nool yihiin.


Hase yeeshee shirkadaha ay ka midka yihiin PETA ayaa dowladda ku eedeeyey iney layso masas tira badan iyada oo adeegsanayso kaniininga Paracetamol.


Jasiiradda Guam

Noocyada masaska ee khatarta badan ayaa la rumeysan yahay iney jasiiradda yimaaddeen 70 sano ka hor.

Masaskaasina ay jasiiradda ku yimaaddeen maraakiibti alaabta keenayey.


Jasiiradda Guam xilligi uu socday dagaalki labaad ee Adduunka waxay saldhig militari. Marna jasiiraddaasi waxaa gacanta ku haysay dowladda Japan.


Masaskan jaallaha ah sida oo kale waxa laga helaa sida dalalka Australia, Indonesia iyo Papua New Guinea.


Ujeeddada masaskaasi loo xakameynayo

Masaska geedaha dhaadheer ee laga helo jasiiradda Guam waxaa marki ugu horreysay jasiiraddaasi lagu arkay 1950-kii. Sanaddii 1990-kii waxay noqdeen qayb ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee jasiiraddaasi ka jira.


Markaa ayaa la go'aamiyey in masaskaasi la laayo si loo xakameeyo tiradooda sii badaneysa meeshana looga saaro khatarta ay noolaha kale ku keenaan.


Habka ugu wanaagsan ee masaskaasi lagu layn karana wuxuu noqday kaniinka xanuun baab'iyaha ah ee Paracetamol in loo adeegsado.


Kooxda ku howlan laaynta masaskaasina waxay sheegeen ujeedkooda inuusan ahayn gabi ahaanba iney masaskaasi iney cirib tiraan balse ay tahay iney xakameeyaan tiradooda sii kordheysa.


Mareykankana wuxuu aaminsan yahay khatarta masaskaasi iney sii kordhi karto haddii ay masaskaasi gaaraan Hawaii ama gobollada kale ee Mareykanka.


Waana taa sababta ay dowladda Mareykanka xaaladda masaskan si dhow ula socoto si ay uga hortagto masaskaasi maraakiib ama diyaarado inta lagu qaado ay dunida inteeda kale sii gaaraan.


Masaskaasi ayaa gabi ahaanba laga cirib tiray gigada diyaaradaha jasiiradda Guam iyo deegaannada u dhow Dekadda. Qolooyinka ku shaqada leh la dagaallanka masaskaasina waxay adeegsadan eeyo khaas oo wax uriya oo soo saaro masaska garoonka diyaaradaha gudahiisa soo galo.


BBC

 

Loading...
Loading...