Ilaalinta Sirta Qoyska Baryahaan Danbe Aad Ayay U Liidataa.

0
Tuesday January 25, 2022 - 08:56:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ilaalinta Sirta Qoyska Baryahaan Danbe Aad Ayay U Liidataa.

    W/Q: Xassan Jibaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Xassan Jibaar

Waxaa jiro waxyaabo aanan mudneen in lala yimaado baraha bulshada iyo gurigaaga banaankiisaba sida:-

Adiga iyo xaajigaaaga waxyabaha idinka dhaxeeyo



Sidaa u wada dhaqantaan

Sidaa iskula hadashaan


Iyo waxyaabo kalo badan oo aanan habooneyn in lala wadaago sanku neefle oo idil.

Ma xuma munasabadaha iyo guulaha inaa isku hambalyeysaan lkn ka badbadiska iyo jilista film joogto ah oo aan wax faa’ido dadka u laheen joojiya


Bal hal su’aal isweydii hadalka jaceylka leh ee aad isku isticmaashaan markaa soo bandhigto dadka kale maxay ka faa’idaayaan maxaasa ka quseyo


Dhadhan u yeel qoyskaaga iyo noloshaada oo qarsada xogtiina hoose idinkoo mahadsan ????


Xaaskaada ama Ninkaada ama qofkaad isqabi jirteen ee caruur aad isku leedihiin ama haba isku lahaaninee, waa inaad ilaalisaa sirihii iyo xog walboo idinka dhexeysay si walba iyo weji walba haku kala tagtiinee.


Lacnad baa usugnaatey ruux ka sheekeeyay sariirtiisa, siday diinteena islaamka inoo sheegtay.

Xitaa hadii aad fadeexeysid ilmahaada hooyadood, ama aabohood dhibka ugu weyn ee fadeexad iyo ceeb iyo cuqdad aanan kasoo kasbasho leheen caruurtaada ayay gaareysaa markay weenaadaanna kuma cafin doonaan ileen waxaa ku keliftay inaysan la fadhiisan asaagooda oo ceebaysay sharaftooda.


Inta aadan sameyn, ka feker waxa kaga imaan kara.

Waana idinka raaligelinaaya inaan farageliyey noloshiina gaarka ahi, ee aad u madax banaantihiin balse wax shaqsiyaddiina iyo noloshiina u fiicneyn indhaha kama eegi kari.


Xassan Jibaar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...