Dal Saddex Sanno Oo Xabsi Ah Galinaya Ragga 3-da Dalaaq Ku Fura Dumarka
Baarlamaanka
dalka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka
dumarka ee waafaqsan shareecada Islaaamka.
Saddexda dalqadood ayaa seeyga
siinaysa awood uu ku furo xaaskiisa si dhaqso leh, isaga oo afka ka dhahaha
saddex kalmadood, ama xitaa qoraal ahaa ku gudbin kara.
Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sidoo
kale sannadkii 2017-kii dalaaqda ku tilmaamtay mid ku xadgudbaysa dastuurka
dalkaas.
Dadka taageersan sharcigan cusub ayaa sheegay in uu difaaci doono xuquuqda dumarka.
Dadka lagu helo in ay ku xadgudbeen
sharcigan cusub ayaa muteysan doona saddex sanno oo xarig ah.
Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee
BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya
Congress-ka ay ka hor yimaadeen.
Sharcigan ayaa ayaa waxaa u codeeyay 99
xildhibaan, halka ay diideen 84 xildhibaan markii la hor geeyay Aqalka Sare.
Ra'isulwasaare Narendra Modi ayaa markiiba bogaadiyay sharciga cusub, wuxuuna ku tilmaamay 'guul usoo hoyatay sinnaanta jinsiga'.
Balse dadka qaar ayaa xisbiga BJP ku
eedeeyay in ay bartilmaameedsanayaan dadka Muslimiinka ah, iyada oo
xildhibaanka lagu magacaabo Asadduddin Awaisi uu ku tilmaamay sharciga weerar
ka dhan ah Islaamka.
Furiinka saddexda dalqadood ee islaamka
ayaa ku xusan Qur'aanka Kariimka, waxayna ragga awood u siinaysaa in ay kala
tagaan xaasaskooda.
Culumada Islaamka ayaa sharaxay in diinta ay si cad u qeexayso furiinka, tahayna in lammaanaha isa siiyaan muddo saddex bilood ah marka laga xisaabayo marka ay dhacdo dalqadda koowaad si waqti loogu helo in ay heshiin karaan.
BBC