Xubnaha Midowga Musharaxiinta oo Taageeray Go'aankii RW Rooble

0
Monday January 24, 2022 - 19:46:21 in News by
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha Midowga Musharaxiinta oo Taageeray Go'aankii RW Rooble

    Qoraal ay soo saareen Midowga Musharrixiibta ayaa waxaa ay sheegeen in go'aankii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ay aheyd taariikh madow.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ay soo saareen Midowga Musharrixiibta ayaa waxaa ay sheegeen in go'aankii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ay aheyd taariikh madow.....

 

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay tallaabadii Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku ansixisay in liiska Argagaxisada laga saaro Ururka ONLF & inay qalad aheyd dhiibistii Cabsi Kariin Muuse Qalbi-dhagax.


Qoraal ay soo saareen Midowga Musharrixiibta ayaa waxaa ay sheegeen in go’aankii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ay aheyd taariikh madow oo mugdi ah, isla markaana xad gudub ku aheyd xaquuqda muwaadinka, Sumcadda iyo dowladnimada Somalia.



” Goluhu wuxuu u hambalyeynayaa Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadiisa go’aanka geesinimada iyo wadinayadda xambaarsan oo ay qaateen kaas oo saxay khaladaadkii Dowladdu horey gashay ayaa lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharrixiinta.


Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay saraakiisaha ciidan ee garabka ka helaya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda. Tabashada reer Hiiraanna ay tahay mid u baahan xal siyaasadeed, ayna aheyn in olole doorasho loo adeegsado.


No description available.


Loading...
Loading...