Khilaaf Ka Dhex Qarxay Badhasaabka Buuhoodle Ee Somaliland & Isuduwayaasha Wasaaradaha Gobolka

0
Monday January 24, 2022 - 13:08:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Ka Dhex Qarxay Badhasaabka Buuhoodle Ee Somaliland & Isuduwayaasha Wasaaradaha Gobolka

    "Khilaafka Soo kala dhex galay Badhasaabka cusub Iyo Isuduwayaasha ayaa u muuqda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khilaafka Soo kala dhex galay Badhasaabka cusub Iyo Isuduwayaasha ayaa u muuqda"

Hargaysa (HWN) Khilaaf ka dhex qarxay Badhasaabka Buuhoodle ee Somaliland iyo isuduwayaasha Wasaaradaha ee Gobolka.



Wararka laga helayo magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in u jiro khilaaf soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Buuhoodle ee dhawaan Somaliland halkaasi u magacawday Tasteex Tuur iyo Qaar ka mid ah Isu duwayaasha Gobolka waxaanay arintani soo shaac baxday ka dib markii Gudoomiyihu Shir aan hore loo sii iclaamin isugu yeedhay isuduwayaasha.


Inta badan Isuduwayaasha ayaa ku gacan saydhay baaqa Gudoomiyaha iyagoo sheegay in aanay suurtgal ahayn in gudaha Buuhoodle Soo galaan xiligan Xaalado Amaan darteed,Gudoomiyaha ayaa arintaa kaga falceliyey in u soo saaro wareegto u xilka kaga qaadayo qaar ka mid ah Isuduwayaasha iyagoo geestooda ku tilmaamay sharci daro.


Gudoomiyaha Buuhoodle Tasteex Tuur ayay u muuqataa in u garab dhiibinayo qorshe ay wado Xukuumada Somaliland taasi oo ah in Maamulka Gobolku iyo kan Degmaduba ku shaqeeyaan Degmada Widh Widh Si ku meel gaadh ah madama ay tahay mid amaan ah la isku halayn karo.


Khilaafka Soo kala dhex galay Badhasaabka cusub Iyo Isuduwayaasha ayaa u muuqda mid curyaamin doona shaqadii loo xilsaaray hadii aanay Xukuumadu soo faragalin.

Loading...
Loading...