Qalbi Dhagax Oo Ka Hadlay Go'aan Ay Soo Saareen Golaha Wasiirada Somaliya
Waxaa kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen in laga laabto go’aan ay horay gaareen Golaha Xukuumaddii Xassan Cali Khayre ugu aqoonsatay ururka ONLF urur agagixiso ah.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka hadlay go’aankii shalay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go'aanka ay dowladda Soomaaliya ururka ONLF uga saartay liiska argagixisada.
Isagoo u muuqda in uu weli tabasho qabo, ayuu dhanka kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay go’aanka kasoo baxay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
"Dambiga umadda Soomaaliyeed laga galayo waa laga xisaabtamayaa laakiin waan ku qanacsanahay go’aanka soo baxay ee ay gaareen xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxaana u diyaar garoobeynaa xaflado waaweyn oo aan arrintaas ugu dabaaldegno,” ayuu yiri.
Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.
Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.
BBC