Wasiir Bayle Oo Si Adag Ubeeniyay Warar Laga Baahiyay Oo Ku Saabsan ONLF

0
Monday January 24, 2022 - 09:20:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Bayle Oo Si Adag Ubeeniyay Warar Laga Baahiyay Oo Ku Saabsan ONLF

    "walaalahey ONLF-na waan soo dhoweynayaa."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"walaalahey ONLF-na waan soo dhoweynayaa."

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya inuu ka soo horjeestay go'aankii ay maanta golaha wasiirrada ku laaleen mid ay hore u ansixiyeen golihii wasiirrada raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

 

Beyle ayaa sheegay in taas beddelkeed uu soo dhoweynayo go'aanka golaha wasiirrada ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

"Soomaalida waxay tiraahdaa af jooga looma adeego. Waxaan aad ugu mahad celinayaa ra'iisul wasaaraha oo arrintaan muhiimaddeeda siiyay," ayuu yiri.

 

Wuxuu intaas ku daray inysan marnaba dhici karin in ONLF uu u aqoonsanaado argagixiso, isla markaana ay khalad tahay in la faafiyo waxaan jirin.

 

"Aniga Cabdiraxmaan Beyle ahaan ma dhacayso inaan walaalaheen ONLF argagixiso u heysto mana dhici karto. Qof waliba Soomaalinimadiisa waa la yaqaannaa, anigana waxaan ahay qof ku suntanahay inaan nin Soomaaliyoo Soomaalida ka mid ahay, walaalahey ONLF-na waan soo dhoweynayaa." Ayuu yiri sida ay qortay Idaacada VOA-du


Loading...
Loading...