"Gudgoomiye Xirsi Cali Waa Looga Fadhiyaa Cadaynta Eedaha uu Ciidanka Amniga u Jeediyay"

0
Monday January 24, 2022 - 09:16:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gudgoomiye Xirsi Cali Waa Looga Fadhiyaa Cadaynta Eedaha uu Ciidanka Amniga u Jeediyay"

    Waxaa hubaal ah Xirsi iyo kooxdiisu, waxay caadaysteen in ay been

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hubaal ah Xirsi iyo kooxdiisu, waxay caadaysteen in ay been

Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadisay dareenka waddaniyadeed iyo bannaan baxyada ay muujiyeen dareenkooda ku aadan qadiyada Somaliland , si adduunka loo tuso isku duubnida, midnimada shacabka iyo Dowladooda.


Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaantay in Gudoomiyaha Urur Siyaaseedka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu warbaahinta isla soo taago cay iyo aflagaado qaawan oo ka dhan ah Madaxweynaha Qaranka, Ciidamada kala duwan iyo shacabka Somaliland, iyada oo bulshada Somaliland ay bannaan baxyo waaeyn ku muujinayeen dareenkooda qarannimada Somaliland.



Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in hadalka Xirsi Cali Xaaji Xasan ay bulshada u muujisay in aanu ogolayn ama aanu raali ka ahayn isaga iyo xisbiiga WADANI qaranimada iyo madax banaanida Somaliland iyo sida uu uga quustay in uu dalkan mar uun madax ka noqdo, albaabkiisii Siyaasaduna u soo xidhmay.


Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Warbaahinta ee Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Cabdilaahi Axmed Caarshe, waxa uu u dhignaa isaga oo dhammays tiran sidan "Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL: Shalay waxay shacabka reer Somaliland, meelkasta oo ay Joogaan u ahayd maalin Qaranka oo ay shacabku ku muujiyeen dareenkooda ku aadan qadiyada Somaliland , si adduunka loo tuso isku duubnida, midnimada shacabka iyo Dowladooda Somaliland.


Hadaba waxaa la yaab ku noqotay shacabka Somaliland, oo ay la yaabeen markii iyada oo banaanka la wada taagan yahay yar iyo wayn, iyada oo aan la qiyaasi karin dareenka shacabka, markii uu Gudoomiyaha Urur Siyaaseedka Wadani Xirsi Cali Xaaji. Xasan, Warbaahinta isla soo taagey cay iyo aflagaado qaawan oo ka dhan ah Madaxweynaha Qaranka, Ciidamada kala duwan iyo shacabka Somalilandba, taasi waxay bulshada u muujisay sida Xirsi uga quustay in uu dalkan mar uun madax ka noqdo, albaabkiisii Siyaasaduna u soo xidhmay, waxa kale oo uu muujinayey hadalkii Xirsi, ee shalay sida aanu u ogolayn ama aanay raali uga ahayn isaga iyo Wadaniba Qaranimada iyo madax banaanida Somaliland, in ay guulaysato.


Hadalkii Shalay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa ka mid ahaa oo Ciidamada ku eedeeyey in ay bilaabeen Qafaalasho iyo Afduub, waa mid Subxaan-allah, Xirsi waxaa uu leeyahay Maxaa loo xidhayaa danbiilayaasha iyo dadka bulshada amnigooda xumaynaya, berina wuxuu odhan oo uu ku doodi Tuugta dadka Moobilada ka dhaca maxaa loo xidhayaa? balse caydaa uu Xirsi u geystay Ciidamada Amniga ee kala duwan ee uu ku sheegay in ay dad Qafaasheen, qaar kalena ay Af-duubeen cadaynteedii Waa looga fadhiyaa Gudoomiye Xirsi, waana la garanayaa mincaha Afduub iyo Qafaalasho, waxaa ka dhalanaya denbi ciqaabeed.


Soomaalidu, waxay ku maah-maahdaa Tuug Intaadan Tuug Ku Odhan, Ayuu Tuug Ku Yidhaahdaa ama Tuug Kuugu Yeedhaa. Xirsi Cali Xaaji Xasan, falalkii Foosha Xumaa ee uu samayn Jirey Markii uu Madaxtooyada joogey ayuu moodayaa in cid waliba samayso, Xaasha Xukuumaddan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waa mid tudhaale leh oo cadaalad iyo haruumar ka shaqaynaysa, bulshada ayaana ka markhaati ah, haddii cay iyo af-xumo cid lagu xidhayona Xirsoow adaa ku xidhmi lahaa, waxaadna tahay ninka maalintii Qaranimada Somaliland loo soo baxay wax ceeb ku ah dareenka shacabku ay muujiyeen isla soo taagey Warbaahinta, taasoo ahayd afxumo iyo cay liidata oo bulshadu la yaabtay.


Waxaa hubaal ah Xirsi iyo kooxdiisu, waxay caadaysteen in ay been iyo dacaayado ka sameeyaan Ciidamada Kala duwan ee hadh iyo habeen u taagan sugida Amniga iyo ilaalinta bulshada qaybeheeda kala duwan, dacaayadaha Xirsi iyo kooxdiisu wadaan ka joojin mayso Ciidamada kala duwan ee Qaranka masuuliyada ay ummadda u hayaan, iyada oo hadalkii Xirsi shalay uu Bulshada u cadeeyey sida aanu u Xirsi, u aqoonsanayn Ciidamada Qaranka ee kala duwan.


Afxumo Nabadna Way Kaa ka Xaysaa, Colaadna Waxba Kaagama Tarto. Gudoomiye Xirsi, Madaxweynaha Qaranka ee la doortay kuna fadhiya codkii shacabka ayuu ku tilmaamay ama ku masaalay Ninkii Keligii Taliyaha ahaa ee la odhan jirey Adolf Hitler,hadalkaasoo ah mid ka fog dhaqanka wanaagsan, aan ahayna hadal Siyaasi bisil, balse u muuqda hadal qof dib jir ah, waxaanu ku leenahay Xirsoow, maaha Madaxweynaha Qaranku Hitler, balse adiga shalay waxaa caddaatay in aad la mid tahay Ninkii Munaafaqa ahaa ee la odhan jirey Cabdullahi Bin Ubayy Bin Salool, kaasoo doonayey in uu magaalada Barakaysan ee Madiina ka noqdo Boqor, lakin markii Nebigu tegey Madiina, ayay soo afjarantay doonistii Boqornimo ee ninkaa munaafaqa ahaa, Xirsina Gudoominimada Wadani wuxuu ku rabay Boqornimo, balse waxay soo afjarantay Boqornimadii Xirsi doonayey markii la furay Ururada.


Xirsi, wuxuu ka shabahaa ninkaa Munaafaqa ahaa, Iyada oo shacabkii Somaliland ay halgan isugu soo bexeen oo Qaranimadooda iyo Madax banaanidooda ay muujinayaan oo adduunka una soo bandhigeen, ayuu Gudoomiye Xirsi, Halkii uu Shacabka la dareen noqon lahaa ayuu qabtay wax lidi ku ah qaranimada oo ku badhi furayo rabitaanka Shacabka Somaliland. Ninkaa la odhan jirey Cabdullahi Bin Ubayy, Bin Salool, ayaa taas Xirsi shalay sameeyey mid la mid ah ku sameeyey Nebigeenii Udgoonaa iyo Asxaabtii, waana Dagaalkii UXUD, Nebigu {SWC}, iyo Asxaabtii maalin ay xaaladu ku adkayd ayuu badhi furay ninkaasi, ka dibna Nebiga iyo Asxaabtii waxay go’aamiyeen in cadawga banaanka loogu boxo, isaga oo Nebigu diyaariyey Ciidan lagu Qiyaasay 1000 nin, ayuu ninkaa Munaafaqa ahaai go’a tuuray oo yidhi Nebigu, wuu idin Jebinayaaye soo noqda guryaha aan ku dhex dagaalane, Ciidanka Nebiga oo awelbaa cadawgu ka badnaa ayuu kala soo noqday 300 iyo dheeraad nin oo Ciidan ah, ninkaa munaafaqa wayn ahaa ayuu Xirsi, maanta shabahaa marka la eego hab-dhaqankiisa muuqda ee bulshadu wada aragto.


Gunaanad


Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, oo qarankan uga masuul ah Amniga Gudaha, waxay bulshada u cadaynaysaa in aanay cidina ku dhicin in lagu dheel dheelo nabadgelyada aad ogtihiin waxaa loo soomaray, ma jiro qof sharciga ka wayn, mana jiro qof sharciga baal mari karaa, kii isku daya in uu sharciga baalmaro ummada dhinac baa looga leexinayaa, cidna gorgortan laga gelin-maayo Amniga Qaranka.”


Agaasimaha Warbaahinta Ee Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Cabdilaahi Axmed Caarshe

Loading...
Loading...