Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Aanu Waxba Ka Qaban Balanqaadyo Hore Oo Uu Sameeyay

0
Sunday January 23, 2022 - 19:53:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Lagu Eedeeyay In Aanu Waxba Ka Qaban Balanqaadyo Hore Oo Uu Sameeyay

    ""Muuse wuxuu u muuqdaa in uu maalmahan u durbaan tumayo muddo Kordhin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

""Muuse wuxuu u muuqdaa in uu maalmahan u durbaan tumayo muddo Kordhin"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in aanay fulin balanqaadyo lagu xusay buugga ololaha xisbiga Kulmiye doorashadii 2017.

 

Guddoomiye Xirsi oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ku sheegay in xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay fulin balanqaadyadii ay ololaha ku gashay, oo ay ka mid ahaayeen in ay dhisayso, waddooyin waa wayn, dugsiyo farsamo gacmeed, madaaro iyo kaabayaal kale "Buugga waxa ku qoran in uu dhisi doono waddada isku xidha Burco ilaa Warcimraan, in uu dhisi doono wadada isku xidha Burco ilaa Oodwayne, in la dhamaystiri doono jidadka Hargaysa, Burco, Ceerigaabo, Sallaxlay, waddada Dowga-cad iyo madaaro, 4 sanno kadib waa hal bacaad lagu lisay” ayuu yidhi Xirsi.

 

Xirsi ayaa sheegay in xukuumada Biixi ay shacabka been u sheegtay "Beentu waa xaaraan ee miyaa Alle laga yaabo, bulshadu indhaha ayay kala haysaaye maa laga xishoodo..” ayuu yidhi, isagoo KULMIYE iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay ballan ka bax "Xisbiga kulmiye barmaamijkiisii ololaha markii uu ka hadlayay maamul-wanaagga wuxuu sheegay in uu ka hor tagi doono dib-u-dhac kasta oo doorasho sifo kasta ha ku yimaaddee. Haddaba, afar sano kadib ballantaasi way la xumaatay Xisbigii Kulmiye iyo Xukumaddiisa.”

 

Guddoomiye Xirsi wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu u ololaynayo Muddo-kordhin loo sameeyo "Muuse wuxuu u muuqdaa in uu maalmahan u durbaan tumayo oo u ololaynayo in loo kordhiyo oo uu kursiga ku sii fadhiyo sifo aan doorasho ahayn. Waxa aanu leenahay kuu suurtageli mayso. Waxa kale oo aan leeyahay: ballanqaadkii qornaa ee aad bulshada u soo bandhigteen ha beenina…”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Loading...
Loading...