Xukuumadda Oo Sheegtay In Dalalka Dunidu Isku Canaananayaan In Aanay Weli Aqoonsan Somaliland

0
Sunday January 23, 2022 - 19:46:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Sheegtay In Dalalka Dunidu Isku Canaananayaan In Aanay Weli Aqoonsan Somaliland

    "waxaanu bogaadinaynaa xildhibaanada Ingiriiska, gaar ahaan Gavin Williamson"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanu bogaadinaynaa xildhibaanada Ingiriiska, gaar ahaan Gavin Williamson"

Hargeysa (HWN) – Dadweynaha Somaliland ee ku nool gobollada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa Shalay gelinkii hore iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan dooddii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland 18-kii bishan January 2022.

 

Kumanaan dadwayne ah oo iskugu jira, carruur, dhalinyaro, odayaal, Arday, iyo haween, oo ruxaya calanka Somaliland, Calanka Boqortooyada Ingiriiska iyo sawirka xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaankii doodda aqoonsiga Somaliland horgeeyay baarlamaanka UK, ayaa iskugu soo baxay magaalooyinka waa wayn iyo degmooyinka Somaliland.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka socda xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa dadweynaha kula dabaal dagay Beerta Xoriyada ee Hargaysa, waxayna u jeediyeen Khudbado khuseeya Dibed-baxa iyo Dedaallada Aqoonsi-raadinta ee Somaliland ka waddo daafaha dunida.

 

"Waxaan Alle ugaga mahadnaqayaa in dalkii aynu taariikhda 76 sannadood ah lahayn, laga qiray qadiyadda Somaliland, waxaanu bogaadinaynaa xildhibaanada Ingiriiska, gaar ahaan Gavin Williamson” sidaa waxaa yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxaanu intaa ku daray "Somaliland waxay mudan tahay in la aqoonsado, waanu innaga raagay aqoonsigu, laakiin waalla isku canaananayaa (Inaan la aqoonsan Somaliland), waxaana la leeyahay Ummaddaa Somaliland meel baa lagaga dhacay, xaq bay u leeyihiin inay hirgashadaan Masiirkooda”.

 

Sidoo kale, banaanbaxyadaa lagu taageerayo dooddii uu Baarlamaanka UK ka yeeshay Aqoonsiga Somaliland raadinayso, ayaa Maantana lagu qabtay Magaalooyinka Burco iyo Boorama.


Loading...
Loading...