Danaynta Aduunka Ee Bugcadaha Ku Hareeraysan Marin Biyoodka Badda Cas Iyo Muhiimada Geeska Africa.

0
Sunday January 23, 2022 - 08:38:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Danaynta Aduunka Ee Bugcadaha Ku Hareeraysan Marin Biyoodka Badda Cas Iyo Muhiimada Geeska Africa.

    ( Arimaha soo dedejinaya in Somaliland la aqoonsado )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Arimaha soo dedejinaya in Somaliland la aqoonsado )

Marin biyoodka badda Cas ayaa ah mid ka mid ah marinada badda ee aduunka isku xidha , waxaana xaga muhiimada uu aduunka u leeyahay lagu tilmaamaa marinka ugu muhiimsan maadaama oo uu isku xidho sadex qaaradood, Africa, Asia iyo Europe.

 

Dawladaha waaweyn iyo qaaradaha kale ee aduunka marinkani waxa uu u yahay halbowle sida USA iyo China oo tusaale ahaan dalka maraykanka iyo guud ahaan qaarada America waxa u mara ;

 

1- Saliida caydhiin iyo shidaalada warshadaha maraykanku ku shaqeeyo oo 68% ka soo baxa jasiirada carabta .

 

2- Ganacsiga uu la leeyahay maraykanku dunida kale iyo bariga fog ayaa mara badacas.

 

3- waxa uu ka ilaashadaa danihiisa siyaasadeed ciidan iyo nabadgalyo ee khaleejka carabta, Geeska Africa iyo shirkadihiisa shidaalada iyo dhismayaasha ee goboladan ku sugan.

 

4- Waxa uu Kala dagaalamaa argagixisada caalamiga ah waxaana uu keenay saldhigyo milateri iyo ciidamo badeed Badacas waxii ka dambeeyey 11 Sept 2001.

 

Muhiimada ay China u leedahay badda Cas xiligani oo uu yahay quwada labaad ee aduunka oo dhaqaale ahaan dhismay,  waxaa ka mid ah ;

 

1- China waxa uu maanta isku dhigey soosaaraha alaabooyinka aduunka lagu isticmaalo ka ugu wax soo saar badan waxaana uu horumar ka sameeyey xaga warshadaha,  waxa uu soo saaro ee uu aduunka kale gaynayaa waxa uu maraa badda cas.

 

2- China waxa uu danaynayaa in uu Africa suuqeega ganacsi qabsado, sidoo kale khayraadka dabiiciga ee Africa uu soo saaro xiligani waxaana uu dalal badan ka wadaa macdan baadhis iyo shidaal baadhis iyo mashaariico kale oo maalgashi.

 

3- Geeska Africa waxa uu u yahay China albaabkii uu ka galayey qaarada Africa oo saameynteeda siyaasadeed, dhaqaale iyo ganacsi maanta aduunku dareemay loona wada baahan yahay.

 

4- Waxa baddacas ugu sugan ciidamo badeed oo danihiisa ilaaliya waxaana uu saldhig milateri ka sameystay mid ka mid ah dalalka Gobolka.

 

DEKEDAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO MUHIIMADA AY ADUUNKA U LEEYIHIIN .

 

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay marinkaasi biyood ee muhiimadaasi aduunka u leh la leedahay xuduud badeed oo dhan 850km , waxaana lagu tilmaamaa dalka ugu mudan Africa ee badda cas u ah halbowlaha.

 

Somaliland xaga istaratijiyada waa bogcada ugu haboon ee dawladaha danaynaya badda Cas,  Geeska Africa iyo Jasiirada Carabtu ay kawada ilaashan karaan danahooga sadex-geesoodka ah wanna bugcada lawada danaynayo.

 

Xeebta Jamhuuriyada Somaliland laga soo bilaabo Lawyacado ilaa Ceelaayo waa dhul ku haboon dekedaha, waxaana lawada danaynayaa in jamhuuriyada Somaliland la maalgashado dekedaheega si wax loogu iibgeeyo bariga Africa, badhtamaha Africa iyo koonfur Africa waana albaabka ugu muhiimsan ee laga quudin karo waxna ay ka dhoofin karaan shanta gobol ee Africa ugu yaraan sadex ka mid ahi.

 

Dekeda Berbera oo ay maal-galisay shirkada Dp world iyo Airport ka Berbera waxa ay ibo-fur iyo mid wadada u jeexaya u yihiin in jamhuuriyada Somaliland ay yimaadaan oo maalgashadaan dalalka dunidu,  waxaana la filayaa in ay yimaadaan dawlado kale.

 

Taiwan oo ka mid ah dalalka ka horumaray xaga warshadaha iyo wax soosaarka ayaa jamhuuriyada Somaliland u aqoonsan dad u qalma aqoonsi caalamiya ,  halka jamhuuriyada Somaliland na u aragto in dadka Taiwan xaq u leeyihiin dawladnimo ayaa isweydaarsaday xafiisyo iyo heshiis caalami ah.

 

KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO MAALGASHIGA TAMARTA , GAASTA IYO SHIDAALKA SOMALILAND.

 

Jamhuuriyada Somaliland waxaa hore sahamin shidaal uga qaaday shirkadaha maraykanka ee Connoco iyo Chevron xiligii jamhuuriyadii burburtay ee soomaaliya , markaasi oo ay marayeen bugcadaha laga helay shidaalka in badhkood lagu bilaabo soosaaristii.

 

Waxaa Jira hadda hadal hayn ah shirkado maraykan ah oo khaleejka ku sugan iyo kuwii hore Somaliland uga soo baadhay shidaalku in ay danaynayaan in la soo saaro khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland maadaama oo gabaabsi ku yimi shidaalka aduunku uu kor u kacay ilaa haddana aan la helin wax kale oo lagaga maarmi karo.

 

Intii ka dambaysay 1991 oo ay jamhuuriyada Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda waxaa Somaliland sahan khayraadka ah laga qaaday dhawr goor oo intaba la xaqiijiyey in ay ku jiraan shidaal qaaliya , tamarta kaysan,  Gaas iwm, waxaana ugu dambeeyey kii ay waday Genal Energy.

 

Arimahani oo dhami waxa ay kor u qaadeen danaynta jamhuuriyada Somaliland in ay hesho aqoonsi caalami ah maadaama ay ku guuleysteen in soddon sanadood sameysteen dawladnimo taabo gal ah oo dimuqaradi ah , doorashooyin xor iyo xalaal ah oo aan aduunka intiisa badan ka dhicin iyo horumar balaadhan oo xaga nabadgalyada ah maadaama ay ku taallo gobol dhibaatooyin badani ka jiraan.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...