Qoraaga Qoray Buug Xukuumada Somaliland Xidhay Oo Si Dareen Leh Uhadlay

0
Saturday January 22, 2022 - 18:23:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraaga Qoray Buug Xukuumada Somaliland Xidhay Oo Si Dareen Leh Uhadlay

    "Sidaa darteed, waxa aan ka codsanaya muwaaddin in aad igala qayb qaadato xorraynta fikirka aasaasiga ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaa darteed, waxa aan ka codsanaya muwaaddin in aad igala qayb qaadato xorraynta fikirka aasaasiga ah"

Hargaysa (HWN) Qoraaga Buugga MAYAL Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa qoraal uukaga hadlayo la wareegida ciidanku ay la wareegeen Buuga Mayal, ku sheegay in ay dadka damiir xumo ku tahay in ay dawladu aayar iskala wareegto buug wakhti badan  lageliyay qoraalkiisa.



Qoraalka uu kaga hadlayo marxaladihii kala duwanaa ee uu qoraagu la soo maray Qorista Buuga Mayal ayuu ku yidhi sidan:-

 

 

Qalbi ka hadal

Buugga "Mayal” muddadii aan qoraayay waxa iga qabsaday ama igu dhacay si aanan buuggan u dhamayn darteed ayaa aan malahayga ku dhawaan lahaydba buug kale. Buuggan Mayal ugu yaraan  toddoba garyaqaan baa aan kala tashaday oo isha midba meel mariyay, waa buug ku salaysan dastuurka, sharciga, islaanimada iyo dhaqanka bulshadeenna.


Muddo saddex sanno ku dhow ayaa aan buuggaasi uun dul fadhiyay, mar aan qoraayo, tifatiraayo iyo mar aan baadhis ku jiro uun ay ii ahayd. Wallaahi muddadaas saddexda sanno ku dhow celcelis (average) ahaan waxa aan buuggan galin jiray 12-14 saacaddood. Dadku in aan maqanahay iyo in aan dalka joogo ma kala garan jirin. Maaddaama aanan buug hore u qorin, dareenkayga iyo waxa i shidaya darteedna iila gashay in aan buug qoro, waayo-aragnimo horana aanan u lahayn wax igu qaata Iminka laba saacaddood baa igu qaadan jiray 20 saacaddood waqtiyadii aan bilaabay qorista buugga Mayal. Waxa hadalkaygan ku caddayn kara qoraalkii uu Qora Khadar Cabdi Cabdillaahi maalintii dhawayd uu ku taabtay arrimaha buugga Mayal.


Qof is yeelyeelaya qoraalkaygani kuma socdo ee inta garashada, garowshiiyaha, garaadka iyo damiirka leh baan la hadlaya, oo aan leeyahay buugga "Mayal” idinka dartiin baan u qoray. Maxkamadda go’aanka ka gaadhaysa waa bulshoweynta ee ma aha dawlad, xukuumad iyo boolis. Haddaan si kale u dhigo waa buuggii oo la leeyahay dadkow maskaxahiina kuma aaminayno, ee annaga ayaa idin soo akhriyayna. Si kastaba ha ahaatee, ma askarta CID-da ayaa xaq u leh in ay qiimeeyaan buugga mise bulshoweynta iyo shacabkeenna?


Wixii aan tacab iyo dhibaato aan la soo maray in daqiiqadii u danbaysay si sharcidarro ah kastamka rag iskaga qaataan idinka oo ka marag ah waa dadnimo xumo, haddii dhan kale aad ka eegtana niga si gaar ah waxba la iima yeelin ee waxa aan qaba in uu ka mid yahay gafafka badan ee dadka laga galaayo, ee aanay sida saxda ah uga falcelin. Hanti iyo adduun in aan ka helo muhiimadda buuggan uma qorin, waa se aan jeclaan lahaa inay wada suurtogalaan ujeeddada fog ee aan u qoray iyo in wixii isaga aan galiyayba aan k wada helo.


Sidaa darteed, waxa aan ka codsanaya muwaaddin in aad igala qayb qaadato xorraynta fikirka aasaasiga ah ee aynu u baahanahay maanta, oo aad igala bilowdaan soo daynta buugga "Mayal” oo u hadlaaya dhibbane, dastuur, xorriyadda hadalka (freedom of speech) iyo dawladwanaaga. Haddii halkan la inala dhaafo oo tan la suurtogaliyo cid walba oo innaga mid ahi waa eedi doonta. Waxa aan qaba dadkaygu waa gob, waana dad intooda badani xaqa taageera, inta badan se xaqiiqada laga qariyo. Faaf reebka noocan ahi waa mid baal marsan dastuurkeenna, waana calaamad kelitalisnimo.


Intaan dunida noolahay

Wallee waan dacwiyayaa

Waxay diiraddaydii

Hibadii dul taallaa

Halkay dalab ku leedahay,

Laba deyr dhexdoodiyo

Haddii aad dalluuniyo

Booran igu dabooshaan

Ama deyro dhaaf galay

Sida sagal daruureed

Qol tukhaanku soo da’o

Oo dil loogu talogalay

Dawlis iigu radisaan

Ama dubuq i siisaan

Igu soo dadaan ceel

Wallee diiqad kuma galo

Hadda deddo i qabatiyo

Dulin ima karaayoo

Sidaas kuma da’furayee

Runtu way ku dacal taal

Godkaan kaaga soo diri.

Weedhaha dahriga jira

Inta dhuunta danantiyo

Carab dibadda geyn karo

Laba daan dhaqaaqaan

Xaqa waan ku daakiri

Qalinkaan dalbanayaa

Xaqiiqada u dirayaa

Daabac odhan wixii jira...

Maansadii Xabsiga ee Danab. Jeenaweri 2019.

#siidaaMayalamaPDF

Fadlan ila faafi.

Sidii Roon Allahayoow.

Cabdiraxmaan Abees .

Loading...
Loading...