Qodobada Ka Soobaxay Kulan Gudida Horumarinta Beelaha Arab La Yeelatay Waxgaradka Beesha. SAWIRO

0
Saturday January 15, 2022 - 17:23:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada Ka Soobaxay Kulan Gudida Horumarinta Beelaha Arab La Yeelatay Waxgaradka Beesha. SAWIRO

    "Warbixintu waxa ay iftiimisay aagaga ay waajib ay tahay in wax laga qabto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbixintu waxa ay iftiimisay aagaga ay waajib ay tahay in wax laga qabto"

Hargaysa (HWN) Gudida Horumarinta Beelaha Arab ayaa xalay kulan balaadhan kula qaatay waxgaradka Beelaha Arab magaalada Hargaysa, gaar ahaan hudheel Caydiid.



No description available.

Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen qodobo badan oo mihiim u ah Beelwaynta Arab, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay gudidu oo uu ku saxeexanyahay Gudoomiyaha Gudida Arab. Dr. Jimcaale Sheekh Xasan, waxaanay warbixinta laga soo saaray kulanku uqornaa sidan hoos ku qoran

 

WARBIXIN:

 

Xalay oo ay taariikhdu ahayd 14/01/2022, waxa Hall-ka Aided Hotel ka dhacay kulan ay soo agaasimeen Gudida Horumarinta Beelaha Arab.

 No description available.

Waxa kaso qayb galay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qurbojoogta, dhalinyarada, iyo haweenkaba.

 No description available.

Kulankan gudidu waxa ay kuso bandhigtey daraasad ku saabsan xaalada guud ee deegaanada beesha Arab weyne ka dego Somaliland, warbixintu waxa ay taabatay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, beeraha, iyo Arimaha bulshada.


Warbixintu waxa ay iftiimisay aagaga ay waajib ay tahay in wax laga qabto, itaal darraduna ka jiro.

 No description available.

Gudidu waxa ay soo bandhigtey mashaariic horumarineed oo balaadhan oo laga fulin doono deegaanada Arab weyne, si wax looga qabto baahiyaha jira.


Si ay u hirgalaan Mashaariicdani waxa ay taakulo xooggan gudidu uuga baahan doonta bulshada sidii loo fulin lahaa.

 No description available.

Caawa, waxa la ibo furay sanduuqa Horumarinta Beelaha Arab, oo qaadhaankii u horeeyey ee mashaariicda horumarinta wax lagaga qabanayey qayb ka mid ah lagu yaboohay, bulshada inteeda kalana ay qayb ka noqon doonan.

 No description available.

Ugu danbayn, waxa la isla qaatey in tubta Horumarka cagta lasaaro, isku duubni iyo wax wada qaybsina aynu ku gaadhi doono Hirar fara badan oo ina horyaala.

 

Gudida horumarinta Beelaha Arab

Allah mahad leh.

Jimcaale Sheekh

Jimcaale Sheekh Xasan DrAshraf

Loading...
Loading...