Ila Qosol …… Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday January 08, 2022 - 14:13:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol …… Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Bariido iyo badbaado Rabbi kaddib,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bariido iyo badbaado Rabbi kaddib,

Bariido iyo badbaado Rabbi kaddib, ku soo dhawaada walaalayaal; sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii,  Ila Qosol.



Berigii uu xukunka hayey Kacaankii Siyaad Barre ee aadka looga biqi jirey, ayaa wasaarad ka mid ahayd wasaaradihii dalkii Soomaaliya; waxa shaqaalaheeda ka mid ahaa, nin madaxda aad ugu dhiirranaa oo aan hadalka kala gabban jirin!


Ninkaasi wuxu caado u lahaa, in marka nin madax ah wasaaradda la keeno ee uu khudbadda uu xilka kula wareegayo akhriyaba; uu ninkan dhiirrani u jawaabo oo ku yidhaahdo: " Wasiir, kii kaa horreeyeyba intaasuu noo sheegay markuu meesha yimid; waxna muu qabanin ee maxaannu kaa rumaysannaa?"


Dabadeedna, shaqaalihii wasaaradda; ayaa ninkii geesinimadiisa u bogey. Waxayna ninkii u doorteen, guddoomiyaha shaqaalaha wasaaradda!


Markii la doortay kaddibna, wuxu soo ag fadhiistay madaxdii wasaaradda. Hadalkii iyo weerarkii madaxdana wuu joojiyey!


Dabadeedna, shaqaalihii wasaaradda ee doortay oo xaaladdiisa ka yaabban; ayaa weydiiyey waxa mowqifkiisii iyo raganimadiisiiba badeley ee uu nimankan madaxda ah runta ugu sheegi la' yahay!!


Ninkii wuxu shaqaalihii ugu jawaabey: " Waar yeedhaheen, war ma idiin sheegaa; arrimuhu shalay markaan miiska xaggaa fadhiyeyna si bay ahaayeen, maanta markaan miiska dhinaca kale ka fadhiistayna; si kale ayay noqdeene oo madaxtinimadaa doqonimadaasi lehe iga raalli ahaada!"

 

Allahayoow run ma sheegay! Xilku dabcigaaga wuu dooriyaa! Miyaanay sidaasi ahayn?

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...