Dacwada Shirkada Daallo Iyo Xisbiga Waddani Oo Maalinta Barri Ah Maxkamada Ka Furmaysa.

0
Tuesday December 07, 2021 - 19:50:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwada Shirkada Daallo Iyo Xisbiga Waddani Oo Maalinta Barri Ah Maxkamada Ka Furmaysa.

    "Xoghayaha ayaa ku eedeeyay xukuumaddu in ay faragelinta ay ku samaysay tartanka diyaaraduha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xoghayaha ayaa ku eedeeyay xukuumaddu in ay faragelinta ay ku samaysay tartanka diyaaraduha"

Hargaysa (HWN) Waxaa berri oo taariikhdu tahay 8/12/2021, saacaddu markay tahay 8:30 subaxnimo  maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la qabanayaa fadhigii 1aad ee dacwadda u dhaxaysa shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline iyo Xisbiga Waddani gaar ahaan Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha. Shirkadda ayaa dacwad ka soo gudbisay shir jaraa’id oo Xoghaye Ganacsiga Waddani, Xamse Khayre, uu kaga hadlay habka hay'adda duulimaadyada Somaliland u maamushay jadwalka in aan waafaqsanayn dastuurka dalka oo waajibayay in suuqa ganacsigu yahay xor.

 

Xoghayaha ayaa ku eedeeyay xukuumaddu in  ay faragelinta ay ku samaysay tartanka diyaaraduhu uu keeni doono in tigidhka diyaaraduhu qaaliyoobo doono kadib markii ay FlyDubai go'aanka Xukuumadii awgeed u joojisay duulimaadyadii Somaliland.

 

Xog-hayaha ayaa dacwaddaas jawaab qoraal ka bixiyay markay taariikhdu ahayd 22/11/2021 kaas oo uu u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.


Loading...
Loading...