Sheeko Cajiib ah Wasiir iyo Gudoomiye Degmo Arrin Sharci

0
Tuesday December 07, 2021 - 09:07:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Cajiib ah Wasiir iyo Gudoomiye Degmo Arrin Sharci

    W/Q Mohamed Aden Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan

Waxaan rabaa in aan idinka sheekeyoo sheeko cajiib ah o ka dhacday dalka Norway Magaalo la Yidhaahdo Tromso (Tromsø )  waxa ayna ku jirtaa List ga 10 Magaalo ee ugu wayn dalkaas Norway , waa xurun dhaqan o dadka ku nool ay dhaqan kooda aad ugu adag yihiin , dadka Ku Nool ama ku  Noola Norway aad bay u yaqaan dadkaas ku nool magalada Tromso waa smart city aad ka halayso wax walba dadkuna ay nool yihin nolol Digital ah o technologiyadu ha gayso leh garoon diyaraded heer caalimiya Local&international flight ah.

 

Haddaba Norway o aad ogtihin halka dunida ay kaga jirto dhaqaale ahaan , Millitry ahaan iyo hanaanka cadalada dunida ayay arintani ka dhacday waliba waa wasiir iyo gudomiye ka mus’uul ah magaalo bal ila dhugta shekaddan.

 

Xoghaya NATO e hadda Jens Stoltenberg o ah sarkaalka ugu sareya NATO oo ku midaysan yihiin 30 dawladood o dunida ah 28 European ah O Turkigu ku jiro iyo Labo north America ah Usa iyo Canada , xoghayaha oo soo noqday raysal wasaraha Norway ee 34aad sido kale xildhibaan iyo wasiirka maaliyadda iyo wasiirka warshadaha iyo Energy ga ,,Minister of industry and energy,,  from 1993 up to 1996 ayaa barigaas u ahaa wasiirka industry and energy ayaa gudumiyaha Tromso e wagaas ayaa keenay magaladan shaqaale Ruush ah o Ka shaqeeya macdanta Iyo Gaasta sida daraded shaqalaha waxa u kuso galiyay bilaa visa sida caadiyan ahna muwadininta Russia marka ay rabaan in ay u safraan Norway waa in ay safaradda ruushka ama Qnnsilayda magalada ay dagan yihiin e raashka waa in ay kasoo qaataan Visaha NORWAY maaha on arrival Visa mana aha Evisa waa in aad si toos ah u dalbataa , Norway passporkedu waa 7th ranking passport in the world  hadii aad passport Norway haysato 185 dal ayaad visa la”aan ku tagi kartaa.

 

Marki shaqalahas dalka visa la’aan ku soo galeen sababo ah in ay ahayeen shaqalo jaban balse aan income kodu sarayn hadda ogoow oo gudomiyaha degmadu waxa u ku jiraa khalad ayaa waxa booqosho ku yimi magalada Tromso wasiirka warshadaha iyo energy ga Jens Stoltenberg xog hayaha hadda e NATO ka dib gudomiyi degmadda ayay kulmeen waxa u ku yidhi khalad baad samesay markaas ayu gudomihi ku yidhi waad khaldan tahay adigu ma shaqadaadiiba maxaa baddan ku galiyay hadda ogoow waa wasiirkiye ka dibna waxa u ku yidhi albaabka ka bax ka dibna wa ka baxay.

 

Gudomiye magaalo iyo wasiir yaa sareya cid walba way garanaysaa se arrinta cajiibka ah waa sharciga wasiirka waxa u ka masul yahay shaqdaas industry ga iyo energy ga se ka mas”uul aha arinta socdaalka iyo dal ku galka (immigration and Visa) sidaa daraded qof walbaa shaqadiisa iyo waxa loo igmaday ayuu ka mas’uul yahay xataa hadii aad wasiir tahay kalama xisaab tami karid maadama ay daan isku meel kawada tirsanayn.

 

Shekaddan cajiibka ah e Gaaban maxaan ka baran karnaa ka Somaliland ahaan?

 

Dulucda iyo nuxurka shekadani waa in qofkastaa u madax bananado shaqadiisa iyo waxa loo igmaday e Qaranka u ugu mas’ul ka yahay helitaanka taasi waxa ay kaynaysaa in shaqadu si toos ah u socoto isla markaana la sii hormaro iyada oo qofka wax dabrayaa yahay sharcigena islaamka o ah sharciga kaliya e dunida ka jira isla markaana wax walba sideeda uga hadlay ha horayso amaba imanka ha ahaato amaba mustaq bal ha ahaate.

 

Arrintaasi waxa ay inaga caawinaysaa wax fara badan o micne inoo samaynaya isla markaana jiritaan keena kor u qaadaya manta dunida cadaalad ayaa ka jirta dawlado badan o sharcigooda lagugu dulmin mayo sida aad wada ogtihin waa arrin cajiib ah waliba dawladahaas waxa ay u badan yihiin dawlado aan muslim ahayn sida aad wada ogtihiin tusaale USA waa dal inta badan siyaasadisa arimaha dabadu ay wax dulmido se markaad gudihiisa joogto cidna wax ma dulmiso cidi wax dulmisana sharciga ayaa loo siman yahay ama madaxwayne ahoow ama wasiir amaba xil kale amaba qof shacaba.

 

Hadaba Qodobadan hoose waa in laynaga helaa qof waloow:

 

1.     Horta waa in aynu xooga saarnaa barashada diinteena suuban si wacana ugu dhaqanaa , Qofka diinta bartay kuna dhaqma waa foos o wax walba waa garanayaa o dulmi ah ama aan dulmi ahayn.

 

2.     Walalyaal aan dulmiga iska dayno o aan cadaalad daradda iska dayno o aan eexda iyo danaysiga hoose iska dayno manta waad aragtaan dalkeena sida u yahay sida ay dhibtu uga tagan tahay.

 

3.     Qof walbaa waa in u toosnada sharciga hortiisa waa in aynay jirin laa luush amaba wax isdaba marin.

 

4.     Qof wallow shaqada aad hayso ama qaran ha ahaato ama shirkad ha ahaato waa in aad ilaahay kaga baqdaa o aad barri markaad dhimato kusii xisaab tamtaa.

 

5.     Finally wax walbaa qorshe iyo wakhti ka faa”idaysi iyo dadaal waa in aan kula jaan qaadna isla xisaabtamna waa in u yimaada o qofku waa in isla xisaabtama hayada ay arinta gacanta ku hayaana waa in ay la xisaabtamaan.

 

Ugu danbayntii Norway sida aad wada ogtihin maaha dal muslim ah se muslimka badan ayaa ku nool o ah 3.4% hadana waad aragtaan o waad ogtihin cadalada ka jirta iyo kala danbaynta ka jirta iyo hadda halka ay dunida ka jirto mana aha dal muslim see wax u jiraan.

 

 

 

Shekadana Qiime oo dib u raac……. .

Mahadsanidiin Dhamantiin

 

TWITTER:       H.E Mohamed Aden Hassan       Email:   [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...