Afhayeenka KULMIYE Oo Ujawaabay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Hargaysa (HWN) Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi salka u dhigtay sicir bararkii iyo baaxaad degii lacagta Somaliland, waxaanu yidhi "Faysal Cali waraabe markasta waxa u yidhaa dadka sharciga jabiya wax halaga qabto isna waxa u tageerayaa inamada yar yar ee sharciga jabinaya , xildhibaanada qarkood waxay ku hawlgalaan waxay subixii Facebook ga ka arkaan, waxan leehay wax soo qorta oo isa soo diyaariya "
"Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Markay talada dalkan qabatay waxay salka u dhigtay lacagtii shilinka Somaliland oo la ogaa sida ay u baaxa-degaysay, waa xukuumad u heelan dadkeeda , maantana waxay talaabo adag ka qaaday dadkii maciishada qaliyeeya islahaa ". Afhayeen Buuni