"Maxkamad hala soo taago Ganacsatada shacabka Isu'dhaarsatay"Xildhibaan Cabdiqani.

0
Tuesday December 07, 2021 - 08:40:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxkamad hala soo taago Ganacsatada shacabka Isu'dhaarsatay"Xildhibaan Cabdiqani.

    Waxaanu farayna madaxweynaha Somaliland, wasiirka ganacsiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu farayna madaxweynaha Somaliland, wasiirka ganacsiga,

Xildhibaan Cabdiqani Maxamed Aadan Cali, guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in maxkamadd la soo taago nimanka Roodhida ee isu’dhaarsaday shacabka.

Xildhibaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Maanta arrintani tusbax furtay ayay noqonaysaa, burrito ganacsato wax kale soo dejisa ayaa is dhaarsan, saha danbe kuwa kale ayaa is dhaarsan, marka waxaan leeyahay nimanka ganacsatada ee waxaas sameeyay baraha bulshadana mariyay, waa in tallaabo sharciya laga qaado waa in la soo xidho, waa in maxkamad la horkeeno, waa in wasiirka ganacsigu arrintaasi aanu dhayalsan ee sida ugu dhakhsaha badan nimankaasi loo soo xidho, haddii kale Somaliland waxa ay noqonaysa ganacsiga cidkastaba sidii ay doonto ka yeesho.”

Xildhibaan Cabdiqani isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu si khaas ah fariin

Xildhibaan Cabdiqani isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu si khaas ah fariin ugu diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biix Cabdi iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad Saajin waxaanu yidhi."Waa arrin sharcidaro ah in ganacsatadii Somaliland, inta ay muuqaal soo duubaan iyaga oo Kitaab Qur’aan ahi horyaalo oo waliba isku dhaarsadaan, waa arrin sharcidaro ah, waa mid xaaran ah, waa mid diinta ka soo horjeeda.

Waxaanu farayna madaxweynaha Somaliland, wasiirka ganacsiga, in arrintan wax laga qabto, oo dadkii arrintan warbaahinta ku baahiyay waa ganacsato la garanayo gaar ahaan ragga leh warshadaha Roodhida soo saara, waa in la soo qabto, haddii kale arrintani waxa ay noqonaysa mid fowda ah oo cidkasta oo ganacsatada dalka ka mid ahi qoloba maalin is dhaarsato, in innaga oo dekaddii haysana in maanta Roodhidii saddex kun oo shilinka Somaliland ah laga dhigo, oo waliba la isku dhaarsado waa arrin xaaran ah, wax la aqbali karrana maaha.”

ugu diray madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biix Cabdi iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad Saajin waxaanu yidhi."Waa arrin sharcidaro ah in ganacsatadii Somaliland, inta ay muuqaal soo duubaan iyaga oo Kitaab Qur’aan ahi horyaalo oo waliba isku dhaarsadaan, waa arrin sharcidaro ah, waa mid xaaran ah, waa mid diinta ka soo horjeeda.

Loading...
Loading...