Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Kulan La Qaatay Guddida Caddaalada Ee Golaha Wakiillada

0
Monday December 06, 2021 - 19:22:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Kulan La Qaatay Guddida Caddaalada Ee Golaha Wakiillada

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Kulan La Qaatay Guddida Caddaalada Ee Golaha Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Oo Kulan La Qaatay Guddida Caddaalada Ee Golaha Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadama ee Golaha Wakiillada JSL.
No description available.


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Isniinta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Yaxye Cabdilaahi Aamin oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka guddida Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Xildhibaan Khadar Cali Xakiim iyo xoghayaha guddida Cabdiraxmaan Jaamac Nuur.
No description available.

Kulanka dhex maray guddoomiyaha iyo guddida oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan, ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo dardar-galinta wada shaqaynta ka dhaxaysa, hay’adda Garsoorka iyo golaha Wakiillada JSL, waxaana si qoto dheer loogu lafa guray geedi socodka togan ee hay’adda Garsoorka dalka iyo doorka toolmoon ee ay kaga jirto u adeegida bulshada. Guddoomiyaha ayaa guddida uga waramay dib-u-habaynta lagu sameeyay hannaanka guud ee Garsoorka iyo kor-u-qaadida aqooneed lagu sameeyay bahda garsoorka, waxaanu hoosta ka xariiqay in ahmiyad weyn la siiyay dedejinta dacwadaha iyo maaraynta cabashooyinka dadweynaha, oo loo asteeyay maalmo sugan oo iyaga u gaar ah.

Geestooda guddida ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare kulanka ay la yeesheen, waxaanay soo dhaweeyeen waxqabadada taabagalka ah ee u suurtagalay hay’adda Garsoorka dalka sannadihii u danbeeyay, waxaanay bogaadiyeen dedaalada lagu fidinayo adeega garsoorka ee guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Ugu danbayn waxay balan qaadeen in ay xoojinayaan geestooda wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda Garsoorka iyo Golaha Wakiillada ee Somaliland.


Loading...
Loading...