Ummaddii Siddi Dheri Karaa, Qiiq Ka Baxayaaye ( Abdi-Shotaly)!

0
Saturday December 04, 2021 - 11:33:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummaddii Siddi Dheri Karaa, Qiiq Ka Baxayaaye ( Abdi-Shotaly)!

    Ummaddii Siddi Dheri Karaa, Qiiq Ka Baxayaaye ( Abdi-Shotaly)!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ummaddii Siddi Dheri Karaa, Qiiq Ka Baxayaaye ( Abdi-Shotaly)!

Gabay baa waxa ku jirey  " Kululaatay aw diiriyaw kaba la'aantiiye" akhristaw ummaddii kadeed ba au dhamaaday iyo silic, gaajo macaluul, maceeshaddii oo aan la goyn karin, waxa loo kala baxay dabaqado aan shuqul isku lahayn, in yar baa siddii gafanahii xoolaha dhiiga ka jiqi jirey ka soo go'day, inina kudaafadaha bay hadh iyo habeen meerayaan, oo ay baadh-baadhanayaan si ay uga helaan waxa ay daanka geliyaan, kama hadli karaan oo qof juuq odhan karaa ma jiro, waa la isu bahaystay, ka-ka naxa waxa la leeyahay maxaa adiga kaa galay, maamul ma jiro ummadda u dhex ahi, ee qawlaysato baa isku isku xeertay ilihii dhaqaalaha, in gaar ah baa laga fuudh yeelaa, halaag iyo burbur baa la mariyey, been baa lagu ceeshaa lagu maaweeliyo saboolka baahan ee wax ay afka geliyaan haynin. ina caloosha ba afoosto leekaatay,  askariga  ku jira " Xaafad-Tooyadda, ee sheegta magaca aanu u qalmin, meela u soo marin ee yidhaaha waxan ahay Madax-weyne/mujaahid, marna caaqil beeleed, maalin kaste baloodh buu ku haystaa miskiin tiisii u il-daran, saw midh subxaanala iyo wax aan meesha qaban maaha, waxa loo beretamaa sidee baad hantidda ummadda uga dhisataa qasriyo aan is aqoon, wax la eegtaa ma jirto ee waa kala guurkii, waxana uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ugu tallo galay in uu kala xaraaso, iska hor keeno, waayo isaga dan baa ugu jirta, hadase soo gaba-gabowday, oo " Qudhmiye" iyo tuugtii ku shaqaysan jirtey, cidla bay taagan yihiin ciirsi la' ah, dibna u soo noqon maayaan, ee ku bushaaraysta, nabsiggii wax badan ay ummadu ka dhul sugaysay, hadduu soo cago dhigtaye. kuna soo dhawaadda maansadan gaaban ee idiin qeexaysa sidda uu dalkii iyo dadkii ay ku sugan yihiin, waana tane iga qabta:-
 


Kulayl baad is badee, halkaas kaarka la jiifa,
Kulmiyuhu kadeed kuu na baday, uu kaydki wadda laacay, 
Abaar kulayl dhaaftay iyo, gaajo wadda koobtay, 
Ummaddii siddi dheri karaa, qiiq ka baxayaaye, 
Kurbashiyo haraad baa bogii, kala go'aayaaye, 
Kumanaan ayuu sii socdaa, koobka shaahiye, 
Kadab kale ma jiro, oo waanan kara-hayne, 
kelidhi bay dhegtii wadda hayaan, bayl ay kariyaane, 
Kuwii loo egmaday baa dhamaan, k eenay macaluule, 
Waa kuwaa kashbacay, ee kelyuhu kubadda leeg yiine, 
Kalxamaha gidaaradda ka weyn, iyo camamkan kuusoobay, 
Markii ay ka haageen ayey, Kinisad keeneene, 
Waa uun karbashyadda cunoon, kabaha dhaafayne, 
Dacaskii kol ay tahay way rahmeen, koombo daasasad ahe.
Kiishkii islaamaha isana, maafush kala gooye, 
Kumbuskii la qaadyoo carabta, bay ka iibsheene, 
Alahayaw kuwaa naga qab-qabo, karahnay duulkaase, 
Waa karaamo seeg oo ma jiro, ruux ka gaar ahiye..


Hees uu (IHUN) lahaa Abwaan Meecaad Miigane, oo lagu furaayey Riwaayaddii  " Nin-ba Tima Xamar", Baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Weynaan dareemine, dadka kii dhergaw daran, dilaal iyo milaal iyo dib u socodna waa isaga"  waa sidaase kuwa naaxay, ee caloosha la moodo " Bakhti fuuray" Sidda  kii ahaan jirey " Maayarka dawladda hoose  ee Hargeysa" Waa kii aad ugu yeedhi jirteen " Solteko" iyo qaar kaloo badan, oo hantiddii ummadda ku reebay diiftii abid ku raagtay, labadda askari ee meesha boobay, markay afka malab darsadeen yidhi " dhaxal aan lagaaga dhiman, oo aad cidla ka heshay macaana, farta subig kula jira, oo aan wax ay xeerinayaan, ka xishoonayaan, inaba ka yaq-yaq-soodaan aanay jirin haba yaraatee. waxan ku soo xidhay maqaalkan,


Haduun bay timi, halkaan sugayoo,
Hagar-daamiyo, humaag iyo been.
hanti boobkii, hayaay qayladda, 
Haadu ka kaceen, kii hungoobaw, 
Hadhay tuugtii, waa hayaanoo, 
Hogol dooglaa, hir ka muuqdaa, 
Haakah aad odhan, markaad hir-qatee,
Ha halaabine, hiilki waa kane,
Hoganaka Waddani, hohey soo raac
Kuwii ku hagraday, haadda kuu wadhay,
Weli reer hebel, hawgu habranine,
Maanta is hubsoo, ku hagaag runta,
Ha is hiifine, codka ha halayn, 
Farta haysoo, Ka baydh halkii hore,
Ha habaanine, Waddani ku hagaag hoy.


* N.B Waynaan Dareemine Dadka Kii Dhergaw Daran, Dilaaliyo, Malaaliyo, Dib U Socod-na Waa Isaga!
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...