Guurtideenu Daasho Weliba Way Gaboobeen,Yaryarkii Gugan La Doortayow [Gurmadkii Abaaraha Maxa Talo Ka Gaadheen]
BISMILAAHI LARAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
HILDHIBAAN KA GAASIRAY,GOLAHUU KU JIRAYOW,
GURACBAD U SOCOTA,FARTA HAYSKU SOO GODIN,
GUDOONKIINU MA XUMEE,GOLAHAAN FAYOOBAYN,
GEEDIGIISU WADA JIRIN,GAARAGUUF LA MOODAA,
GARASHA U LEEDIIN,GOOBTA WAXAD U JOOGTANE,
GURUBAYS BEELBEEL,GEESAHAAD KA RARANTIINE,
GOONDAASKA HOOSIYO,JOOJIYA KALA GURKIINO,
GAAN IYO ILAA GAAN,GEYIGANAYDIN DOORTAYOO,
QARANKAW GUDBOONTIINE,GUTA WAAJIBKIINUN,
GOLUHUYANU NOQON GURI,GUFACOOYIN CAYIYO,
GOOGAALAYS MURANIYO,DHAMEEL KU GURASHO,
GARDARADA ANSIXIYOO,BAABUUR KU GADATAAN,
GADGADOONKA CIMILADA,GUMAADKIYO COLAADA,
GEESKASTABA INAGA XIGA,KA GAASHAMADKOODI,
GOBOLADEENA BADNKOOD,GAAJIYO BIYO LA’AAN,
GEGO BANAAN U JIIFAAN,GACAN MIYA U FIDISEEN?
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!