Dagaalka Tigrayga: Qaybtii 2aad … Cali Guray

0
Thursday December 02, 2021 - 17:02:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Tigrayga: Qaybtii 2aad … Cali Guray

    (Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Guulaystayaal Idin Kala Garanmayno Eh Wada Guulaysta Ama Kala Guulaysta)

Qoomiyadda Amhara in ay Itoobiya leedahay sadex front ayay ka dagaalamaysaa. Mid waa fronka TPLF oo ku qasbamay labadii maalmood ee ugu dambeeyay in ay dib uga wada gurtaan magaalooyinkii degaanka Amxaarada ee hore ay ugu qabsadeen dagaalka haatan socday mudada ka  badan sanadka. In kasta oo madaxda TPLF ay ku sheegeen dibu gurasho xeel dagaal hadana waxa hubaal ah in TPLF ay jartu ku xun tahay.



Waxa ugu wayn ee saaxadda dagaalada wax ka bedelay waxa loo tirinayaa duqaynta cirka gaar ahaan Diyuuradaha Drones-ka Turkiga oo ay hagayaan khubaro Turki ahi sida la sheegay. Dayuuradaha Drones-ku maaha kuwa Turkiga oo keliya ee waxa jira kuwo iyaguna Shiine ah. Droneska Waxa dheer diyaarada dagaalka ee ciidanka cirka ee Itoobiya oo iyagu Ruush ah.


Kaasi waa front-ka TPLF. Dhinaca kale waa front-ka OLA ee Oromada oo Abye Ahmed uu mudnaanta koobaad ka siiyay dagaalka TPLF balse mudnaanta Labaad ah si rasmi ahna ugu soo jeedsan doono marka ugu yaraan uu TPLF uu ka wada sifeeyo gobolada Canfarta iyo Amxaarada, hadii OLA inta uu ku jeedo TPLF aanay u dhaqaajin xoogagooga dhinaca Addis Ababa ama TPLF weeraro rogaal celin ah soo qaadin.


Fronka sadexaad waa dagaalku xadka ee Ciidanka Suudaan iyo maleeshiyada Amxaarada oo ay taageerayaan ciidamada rigliga ah ee Itoobiya. Sudan waxay dib ula soo noqotay degaanka Shafaqa oo ah dhul carosan ah oo mudoo dheer ay falanayeen Amxaradu.


Sida uu ku taamayo Abye Ahmed dagaalka TPLF kuma joogsan doono ka bixitaanka TPLF ee Degaanka Amxaarada ee waxa shardi ah is-dhiibidda buuxda ee TPLF (total surrender of TPLF). Taasina uma eka in ay dhacayso xataa hadii TPLF laga qabsado Caasimada Tegray ee Maqalle.


Si kastaba xaalku ha ahaado eh Abye Ahmed iyo Qoomiyadda Ahmaaradu guul bay tirsanayaan waana gartood in ay guul tirsadaan waayo waa markii ugu horaysay ee guulo wax ku ool ah ay Ciidanka Abye Ahmed ee dawladiisa iyo Maleeshiyada Amxaaradu ka gaadhaan goobaha dirta guulahaasi oo ilaa hadda aan loo arki karin guul kama dambays ama Istraataji ah.


Kolay sadexdan nin maanta ka hor qosol umuu ekayn gaar ahaan Cifriidka Wayne ee Geeska Afrika Afwarqe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...