Safarka Farmaajo Ee Qatar Xili Murug Iyo Mad-Madaw Ka Taagan Yahay Doorashadii Aqalka Hoose .
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Farmaajo iyo wafti uu hogaamiyo oo ay ku weheliyaan wasiirka
ciyaaraha iyo wasiirka arimaha dibada iyo marwadiisu ayuu ku tagey dalka
Qatar oo aad loogu soo dhaweeyey.
Ujeedada safarka ayaa lagu sheegay ka qaybgalka tartanka ciyaaraha
carabta oo ay ka qayb galeen 6 dal oo xidhiidhka kubada cagta Africa ka
tirsan iyo 10 xidhiidhka kubada cagta Asia ah oo socon doona 30 Nov ilaa
18 Dec .
Tartankan ayaa ujeedada laga leeyahay ay tahay muujinta sida ay
Qatar diyaarka ugu tahay koobka aduunka ee lagu qabanayo dalkooda 2022.
Maanta ayuu la kulmay farmaajo Amiirka dalkaasi waxaana war
saxaafadeed ka soo baxay xafiiska amiirka Qatar lagu sheegay in laga
wada hadlay adkeynta xidhiidhka labada dal , in shaqaale soomaaliyeed
fursad weyn oo shaqo ka helayaan tartanka koobka aduunka ee 2022 iyo
mahadnaq farmaajo u jeediyey dawlada Qatar kaalinta adag ee ay kaga
jirto dib u dhiska Somalia iyo taageerada ay la garab taagan tahay
marwalba.
DAREENKA KU XEERAN XILIGANI DOORASHOOYINKA SAFARKA MADAXWAYNE FARMAAJO.
Qatar waxa ay ahayd saaxiibka koowaad iyo halka laga waday
madaxweynaha Somalia ee ay mudadiisu dhamaatay Feb 8 2021 Maxamed
Cabdilaahi Farmaajo , safarkiisani waxa la dareensan yahay in kaambayn
doorasho iyo dhaqaale dabada ku hayo.
Dhowaan uun bay ahayd 5 Oct 2021 markii Qatar looga yeedhay Raisal
wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo ay siyaasada ku kala
fogaadeen Madaxwayne Farmaajo waxaana aad moodaa intii xiligaasi ka
dambaysay in khilaafkii hoos loo dhigey.
Waxa lagu jiraa xili la xulayey xubnaha aqalka hoose ee doorashada
Somalia oo ay mucaaridku aad uga biyo diidsan yihiin qaabka wax u
socdaan iyaga oo kulan la qaatay Raisal wasaaraha dhowaan la iskuna
afgartay in waxii khaladaad ah la saxo.
KAALINTA QATAR EE SIYAASADA SOMALIA .
Qatar waxa ay noqotay dalka ugu saameynta badan siyaasada Somalia
sidoi kale waxa ay tacab badan galisay dawlad dhiska soomaaliya , iyaga
oo lagu eedeeyo in ay siyaasada Somalia faraha kula jiraan oo ay xataa
saameyn ku leeyihiin hawlaha amniga iwm.
Arimahani waxa ay sahleen in uu noqdo dalka ugu saameynta badan ,
waxaa soo raaca Turkey oo ay wada socdaan Qatar , waxaa laga yaabaa in
safarka Farmaajo ku joogo Qatar lagu soo qorsheynayo cida hogaanka u
qaban doonta siyaasada soomaaliya 4 sanadood ee socota.
QATAR IYO SOMALILAND
Dalka Qatar oo aanay Jamhuuriyadda Somaliland siyaasiyan isku
wanaagsanayn ayaa markii ugu horeysay taariikhda 1 May 2021 ergey
arimaha dibada ah u soo direy jamhuuriyada Somaliland, waxa uu la
Al-Qaxtani madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland 4 May 2021 .
Waxaa ay dawlada Qatar si weyn war murtiyeed ugu soo saartay in
ergayga iyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ka wada hadleen
xidhiidhka labada dal , taasi oo u muuqata in Qatar ay badeshay halkii
ay ka taagnayd siyaasada jamhuuriyadii Somalia ee kala noqotay
jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia.
Dhinaca kale waxa xiligaasi soo baxday in ay suuragal tahay in
dalka Qatar markii ugu horaysay uu isku dayo in wadahadallo u furro
jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia , Qatar oo ah
dalalka aduunka ugu horeeya dhex-dhexaadinta Geeska Africa na hore
dawlado badan u wada hadashiiyey, sida Erateria iyo Djibouti, Sudan,
Kenya iyo Somalia iwm.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...