Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Ku Tilmaamey Xilka Qaadistiisa Wax La Yaab Leh

0
Sunday November 21, 2021 - 08:52:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Ku Tilmaamey Xilka Qaadistiisa Wax La Yaab Leh

    "Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah"

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ka fal celiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey maanta, isagoo ku tilmaamey talaabadaasi wax aan wanaag saneyn.

 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa wax layaab leh ku tilmaamey hannaankii iyo war gelin la'aantii lagu sameeyey xil ka qaadistiisa, inkastoo uu qirey iney jirtey toddobaad kahor inuu gudbiyey istiqaalad.

 

Marar badan ayay dhacdaa in wasiiradda xukuumadda federaalka ee dowladda Soomaaliya laga qaado jagooyinka ay hayaan, iyaga oo aan lagu wargelin.

 

Wasiirkani ayaa hayey xilkani muddo sanad ah, iyadoo uu yahay mas'uulkii saddexaad ee qabta jagadaasi ee wasaaradda arrimaha dibadda, tan iyo markii la doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadkii 2017-kii.

 

Waxaa soo marey wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2017 ee dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo afar mas'uul.

 

Waxaa ugu horeeyey Ambassador Yuusuf Garaad Cumar Axmed, Axmed Ciise Cawad, Maxamed Cabdulrasaaq Maxamuud Abuubakar. Cabdulcasiis Muuse Cali, waa mas'uulkii afraad ee loo magacaabo jagadani.

 

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya loo magacaabey maanta, ayaa waxaa sugaya hawlo culus, iyadoo wasaaraddani ay kamid tahay kuwa ugu shaqada badan xukuumadda.


Loading...
Loading...