Wasiirka Ciyaaraha oo ka Qayb galay Gunaanadka Tartanka Ciyaaraha ee Gebilay.

0
Sunday November 21, 2021 - 09:20:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ciyaaraha oo ka Qayb galay Gunaanadka Tartanka Ciyaaraha ee Gebilay.

    Waxaana ka qeyb galay xafladda lagu maamuusayay kooxdaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana ka qeyb galay xafladda lagu maamuusayay kooxdaasi



Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha somaliland ayaa ka qeyb galay xaflad lagu soo gabagabeeyay tartankii ciyaaraha heerka koowaad ee Gobolka Gabilay.


Tartankan kubadda cagta kooxaha gobolka gabilay ayaa socday muddo bil ah, waxaana lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Moo Farax ee magaalada Gabilay, tartankan oo ay ku loolamayeen siddeed kooxood ayaa waxa ku guulaystay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Ciidanka Booliiska Somaliland, taasoo ka badisay kooxdii ku ciyaaraysay magaca degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay. Kooxdan Goodir ee koobka qaaday ayaa ciyaaraha dagmooyinka somaliland ku matali doonta Gobolka Gabilay oo lagu qaban doono magaalada Berbera.



Waxaana ka qeyb galay xafladda lagu maamuusayay kooxdaasi, xildhibaano, ciyaartooy iyo maamulka Gobolka Gabilay, waxaana soo dhaweeyay guusha kooxda Goodir Maayirka degmada Gabilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi, oo sheegay in tartankaasi ay maalgalisay dawladda hoose ee degmada Gebilay.


Geesta kale, Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Gudoomiyaha Xidhiidhaka Ciyaaraha, Wasiirka Wasaarada Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciyaaruhu ay ahmiyad weyn u leeyihiin da’yarta, isla markaana ay muhiim tahay in marwalba loo qabto, si ay uga baaqsadaan balwadaha iyo waxkasta oo waxyeelayanaya mustaqabalokooda.

Loading...
Loading...