Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Kulan La Yeelatay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

0
Sunday November 21, 2021 - 08:37:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Kulan La Yeelatay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

    "waxaana wasiirku uu intaas ku daray in dirayska ardayda dalka guud ahaan ay mideeyeen."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaana wasiirku uu intaas ku daray in dirayska ardayda dalka guud ahaan ay mideeyeen."

Hargeysa (HWN)  – Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa kulan la yeeshay mas’uulyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaraaddaasi ayaa guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland xog ka siiyay xaaladda guud ee Waxbarashada dalka, iyo siyaasadda guud ee waxbarashada dalka, waxaana ay sheegeen inay gacanta ku hayaan sidii loo dar dar gelin lahaa isla markaana dib u eegis loogu samayn lahaa siyaasadda waxbarashada qaranka.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay inay diwaangeliyeen dhamaman macallimiinta dalka, iyagoo kuwa aan qaadan tabobarka kulliyadda Waxbarashada Macallimiintana ay dib u eegayaan, waxaana wasiirku uu intaas ku daray in dirayska ardayda dalka guud ahaan ay mideeyeen.

 

Gebogebadii, guddida joogtada ah ee golaha guurtida ayaa su’aalo kala duwan goobktaasi ku weydiiyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada, kuwaasoo ay ka jawaabtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.


Loading...
Loading...