Mid kamid ah dalalka Yurub oo aqbalay in lagu tago Baasaboorka Somalia

0
Friday October 22, 2021 - 15:46:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah dalalka Yurub oo aqbalay in lagu tago Baasaboorka Somalia

    Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa




Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda ku yaalla Qaaradda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka dalkeena.



Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.


Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.


Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Guddoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.


Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u mahad celinaysay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Loading...
Loading...