Somaliland Oo Hashii Caweer Ku Jiif-satay ( Abdi-Shotaly).

0
Friday October 22, 2021 - 11:57:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Hashii Caweer Ku Jiif-satay ( Abdi-Shotaly).

    N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.

"Haddii muruqa bawdadu ku go'o waad makalan-taaye, mareegtaaba loo sii xidhaa. maqasha nayloode, Miiraalaha hortii baa biyaha la iska moosaaye (IHN Waa Tima-cade), oo micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw, Inta aanu kuu soo gelin daadku horteed waa in aad halkuu kaaga soo gelaayo ka sii xidhaa, haddii kale waxad noqonaysaa Maah-maah-ddii ahayd 2Nin daad qaaday Xumbo cuskay" waaxikmad aad u qiimo badan oo loo daliilsan karo, aumuuro fara-badan oo lehujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo mararkayaalaa-ba aywaxsi noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas samaysay-na ay isku canaanato,iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay kadhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee dhaliyey khaladka.Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii aygalaan, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabasha-dda waxa ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo duunyo ahi marka ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii saamaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay,oo uu u tafa-xaytaa in uu ka soo kabto,hadaba aan isku soo xooriyo'e, gun dhiga cinwaanku waxa uu tilmaamayaa,marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaanah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in aydhacaan wixii uumarkii hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay,soona yareeyey rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey



Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu sheegye"Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula Marin",Markan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo halka Imanakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mariyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho, wixiiaabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay "Salaadu ka xidhmi la'dahay"Markuu wax isku dayo-baay bog-cadka iskagarogaysaa, waxan wixii uu taabto-ba,qulaan-qulshaha ka gawacaya,ee uu dhuub dun ugu geli la'yahay? qofku waa inuu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxauu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu ka dhaxli doono kasii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in fari tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kaledhabarka ka jabi, sidii hore ugudhacday.Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo,oo aan tusaale kuqoro halkan ah,dhibta maanta inagu habsatay,ee inaga haysata maamulkaSomaliland, in ay ahayd ka fiirsasho la'aan iyo inaka oo isku maqanayn. Tainala durugtay oo aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? Yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi kara?Xusbigee aan denbi hore soo gelin? Yaad isku aamini kartaa? Iyo wax yaabokale oo muhiim ah, wixii aynu kala kulana-na waa taas aan ka nuuxsan la'nahay,ee ilaa imika inagu jiifto Hashii caweer ( ee Cigaal Shidaad), welina aanla hinqan la'nahay, waxa misanaii sii cad in aynaan uba jeedin,ee aan ku socono wadaddii indhaha la'aydiyo is mood-siis aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore baa looyidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo,oo tabaalaysan mid-na lagama indhoqarsado'e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo i siiyey in aanguriggii madoobaa, ku sii hungoobayno madhnaa mar kale, kana miisayno maskax la'aan ka xun tii hore,ee aan ku jabnay, oo ay durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay, cidis waydiisay-na aanay jirin.


Balaaydu inta aanay boqnaha ku goyn, ee aanayseeftu mar kale inala tegin, saw maaha in aan iska jirno qaran jab-keena, batarka beentaah ee baloolaydda la ina maqashii-naayo, oo aan mar qudha garano waxa inoowacan, iyo waajibka inaga saaran horumar-keena iyo siddii aan isaga qabanlahayn,kuwan hagar-daamo, iyo kale eri oo in yar la soo hadh, qaar iska ilaali, gobolo la siiyey Majeerteen, sool oo ana faro ku jirin, wadnaana farta lllagu hayo, wakhti kaste-na la filaayo in ay u gacan gasho kan badhisaabka ka ah Puntland. xoolo urursi iyo dhuumasho ay is leeyihiin wax baa qariseen, hadana ay qoraxdu duhur tahay illaah ku kashifay, been uun la hurgufaayo, is yeel-yeel aan dhana-ba jirin, oo hoosta ka qalaalan, Sidaas awgeed bal waxay askar-tani inoo sheegayso, ee ay Meesha ku hayaan waa maxay? Saw ka-kac iyo wax huu-haaya maaha? Waxay ku mudo dheeraysa-nayaan ka sii xoogsiga ay ummadda ku hayaan, waalidda sii afar qaadaysa, taas oo dlakii gobol-ba gaar u dirtay, wax wadda socdaana aanay jirin, ee ay ku malabsa-nayaan, daba-leefyo loo adeegsaday reert walba sidda ka " Habo Caaye" ee bilaa akhlaaq-dda ah, ee ansh-xumo daraadeed uu war-bahainta ugu dhiibtay, ilayn waa meel loo balamaye in loo dhameeyo'e.


waxan ku soo xidhay, qabyaaladdii iyo boobkii is bahaysatay ee aad ku taageer-teen, isku xaafad baanu nahay, ka soo maal hadaba, waa idinkaa adhaxdda seef isku kala badhaye, ee dhul boobka la idinku xaalu-fiyeye ee meel ay cuskato la'dahaye. Ku quuso qudhaanjooy, waa taa hadda geeri-go'an ku habstay somalilande.


* N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.

Qore:- Abdi-shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...